Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo eedaymo u jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Muqdisho (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka dowladda Soomaaliya, ayaa eedayn u jeediyey Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ay ku dhaliileen hab-dhaqankiisa siyaasadeed ee ku aaddan Somaliland.

 

Xildhibaannada oo intooda badani dhalasho ahaan ka soo jeedaan Somaliland oo aanay ku metelin baarlamaanka Soomaaliya, waxa ay waxba kama jiraan ku tilmaameen in dowladda Somalia wax shaqo ah ku leedahay go’aanka lagu fasaxay Markab Xoolo ka qaaday Dekedda Berbera oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa dekedda Jeddah ee Sucuudiga, kaas oo markii dambe la sii daayey.

 

Xildhibaannadu waxa ay ku eedeeyeen dowladda Farmaajo inay dagaal siyaasadeed iyo mid dhaqaale ula badheedhay Somaliland iyo shacabkeeda.

 

“Culeys gaar ah ayaa saarnaa Soomaaliland iyo ganacsatada tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Farmaajo.” Sidaas waxa yidhi xildhibaan Xuseen Carab Ciise, isagoo intaas ku daray in  Somaliland laga joojiyay hay’ado ka mid ah kuwa caalamiga ah oo ka hawl-gali jiray.

 

Xildhibaannadu waxay beeniyay hadal Raysal-wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ku sheegay in dowladda Soomaaliya xidhiidh ay la sameysay Sucuudiga  lagu fasaxay markab xoolo sidey oo lagu xanibay Sacuudiga, waxaana ay sheegeen sii deynta markabka aanay dowladda Soomaaliya wax shaqo ah ku lahayn.