Xildhibaannadii Goleyaasha Deegaanka Saylac iyo Lugaha kaga jiray Beesha Ciise oo Iscasilay

Saylac (SLpost)- Xildhibaannadii Golaha Deegaanka Saylac iyo Lughaha kaga jiray Beesha Ciise oo tiradoodu ahayd Toban Mudane, ayaa  shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaaladda Xariirad ee gobolka Selel, waxa ay kaga dhawaaqeen inay iska casileen xubinimadii Goleyaasha deegaanka.

Xildhibaanaddan ayaa sheegay In iscasilaaddoodu ay ka dambeysay ka dib markii ay beel ahaan go’aansadeen inay iska casilaan Goleyaasha deegaanka ee Lughaya iyo Saylac oo ay ku doodeen in lagaga shubtay doorashadii deegaanka ee Somaliland ka dhacday 28-kii bishii November eek al-hore 2012-kii.

Somalilandpost NewsXildhibaddan is casilay ayaa iskugu jiray saddex ka tirsan Golaha deegaanka Lughaya iyo 7 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Saylac.

Xildhibaanadda is casilay waxay magacyadoodu kala ahaayeen sidan:-

1)-Geesh Aadan Bille,  degmadda Saylac.
2)- Aadan Cabdilaahi Boodhle
3)-C/Naasir Jaamac Xoosh
4)-Maxamuud Cigaal Wacays
5)-Axmed Yaasiin Maxamed Barkhadle
6)- Axmed Migil Ciil-tire
7)-Siciid Muuse Giirre
8)- Xasan Maxamed Dhimbiil, degmadda Lughaya.
9)-Muumin Muuse Ducaale
10)-Ibraahim Jaamac Maydhane.

Arintan ayaa ka dambaysay muran wakhti dheer taagnaa oo ku sabsanaa is marin waa u dhaxeeyey beelaha deeganadaasi degan, iyada oo sida uu ku soo waramayaan wariyeyaal deegaanadaasi ku sugan xubno ka mid ah xildhibaanadani ay ka soo laabteen magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya oo ay kula soo kulmeen Ugaaska Beeshooda Ciise.

SOMALILANDPOST.NET