Xildhibaannada Mucaaradka Ah Oo Sas Ka Muujiyay Go’aan La Filayo Inay Guurtidu Ka Gaadho Muddo Kordhin

Hargeysa, (SLP)- Xildhibaannada golaha wakiillada ee taageera xisbiya mucaaradka ah ee waddani ayaa farriin u diray golaha guurtida Somaliland oo la filayo inuu dhawaan muddo kordhin u sameeyo xukuumadda talada haysa, ka dib go’aankii ay soo saareen komishanka doorashooyinku.

Xildhibaannadan oo kala ah Siciid Cilmi Rooble iyo Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa si wada-jir ah u sheegay inaanay guurtidu awood u lahayn inay kordhiyaan muddo ka badan go’aankii uu komishanku ku cayimay inay ku qabanayaan doorasho.

Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maanta ku hadlayay xarunta golaha wakiillada warbaahinta waxa uu yidhi. “Horta hawshan doorashada cidda keliya ee u xil saarani waa komishanka doorashooyinka, cid kale oo hawshaas, maca madaxweyne ama guurti ama wakiillo oo awooddaa leh oo ka hadli kartaa ma jirto. Waxa kale oo jira xeerka lambarkiisu yahay 20 xilliga komishankaa ku shaqo leh inay cayimaan, madaxweynuhu uu digreeto uu kusoo saaro diiwaangelinta iyo doorashadaba. Anigu markaa waxaan qabaa nimankaasi waajibkoodii way kasoo baxeen, guurtiduna iyadoo aanay aafo jirin oo masaa’ib jirin, haddana waynu caadaysanay inay guurtidu muddada kordhiso, waajibka guurtiduna waxa weeye inay raacdo xilligaa uu komishanku cayimay, anigu markaa waxaan leeyahay haloo daayo cidda awoodda leh.”Siciid Cilmi Rooble

Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ah Af-hayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka hadlay awoodda uu dastuurku siiyay inay muddo kordhin ku sameeyaan golaha guurtidu, waxaanu yidhi. “Dastuurka qodobkiisa 83-aad faqradiisa 5-aad waxay odhanaysaa haddii doorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenku qabsoomi waydo sababo la xidhiidah amni-darro darteed golaha guurtida ayaa muddo kordhin samaynaya, qodob kale oo golaha guurtidu muddo kordhin ugu samayn karaa ma jiro. Imika arrintan komishanku sameeyay waa arrin farsamo oo ay yidhaahdeen doorashadii madaxtooyada ku qaban kari mayno sannadkan 2015-ka, markaa maadaama oo arrintu sidaa tahay oo ay tahay arrin farsamo golaha guurtida xeerka iyo dastuurka dalku u banyan maayo inay yidhaahdaan waxaanu doonaanu kordhinaynaa.”

Somalilandpost.net