Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Xeerka Baananka Ganacsiga ee Madaxa-bannaan

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Dood adag ka yeeshay Xeerka Baananka aasaasidda Bangiyada Madaxa-bannaan ee Ganacsiga, kaasoo dhawaan qabyo-qoraalkiisa Baanka dhexe ee Somaliland u gudbiyey Golaha Wakiillada, waxaanay Mudanayaasha ka dooday iftiimiyeen gal-daloolooyin aan lagu siideyn Karin oo ka muuqda Xeerkaas.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo Dood Xasaasi ah ka yeeshay Xeerka Baananka Ganacsiga ee Madaxa-bannaanFadhigii Golaha Wakiillada ee maanta oo uu guddoominayey Guddoomiyaha Golahaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa waxay Mudanayaasha dooddooda ka dhiibtay fadhigaas waxay iftiimiyeen sida loogu baahan yahay in Xeerkaas dib loo derso, isla markaana la waafajiyo Shureecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka dalka, maaddaama oo uu Dastuurku waajib ka dhigayo inuu reebban yahay hirgelinta iyo ku dhaqanka Xeer kasta oo qodobbadiisa qaarkood ka hor-imanayaan Shareecada Islaamka.

Maxamuud Jaamac X. Cilmi (Dable) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee fadhiga maanta dooddooda ka dhiibtay, ayaa ku dooday inaan Xeerkan lagu muujin dammaanad ay ku qanci karaan ama lagu badbaadin karo Hantida Muwaaddiniinta haddiiba ay dhacdo in Baanka Ganacsi ee Madaxa-bannaani kaco ama musallafo.