Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Awda iyo Selal oo ka hadlay Sababta ay u qaaddaceen Mooshinka Xil-ka-xayuubinta Guddoomiye Cirro oo ay markii hore saxeexeen

Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Awdal ee Golaha Wakiillada Somaliland oo wax ka saxeexay Mooshinka ay Xildhibaannada Muxaafidku doonayeen inay xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golahaas, ayaa sheegay inay ka noqdeen Saxeexoodii Mooshinkaas, ka dib markii sida ay ku doodeen laga leexiyey dariiqii sharciga ahaa ee uu mari lahaa iyo qaabkii ku talo-galkoodu ahaaba.

EWXildhibaannadan ayaan maanta ka qaybgelin furitaanka Kal-fadhiga 26-aad oo loo ballansanaa Sabtidii maanta, ka dib markii Ciidammo la dhoobay Xarunta Baarlamaanka Somaliland ee magaalada Hargeysa oo ay Mudanayaasha kale ee Muxaafidku galeen, fadhigana furteen, inkasta oo aanu suuragelin fadhigaas la doonayey in Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro lagu rido, ka dib markii ay Guurtidu waan waan ka gashay in muddo laba maalmood ah dib loo dhigo furitaanka, iyadoo uu sidoo kale dibedda ka joogay Guddoomiyuhu.

Mudanayaasha laga soo doortay gobolka Awdal waxay sidaas ku sheegeen Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa Sabtidii Maanta, waxay Tobaneeyadan Mudane ku sheegeen inay Mooshinka wax ka saxeexeen, diyaarna u ahaayeen in qaab sharci ah xilka lagaga qaado Guddomiye Cirro qaladaadka dhanka hoggaaminta ka jirta darteed, hase-yeeshe, ay maanta go’aansadeen inay ka noqdaan Sexeexaas markii la marin-habaabiyey mooshinkaas sida ay ku doodeen.’