Xildhibaanka Kaliya ee Madiga ku ah Wakiillada oo si miisaaman uga hadlay ubucda khilaafka kala-qaybiyey Mudaneyaasha Golaha uu ka tirsan yahay

Xildhibaan QabilleHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan khilaafka cakiran ee muddooyinkii u dambeeyey ka dhex-aloosnaa garabyada uu golahaasi u qaybsamay oo isku haysta awoodda shir-guddoonka Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo ah xildhibaanka kaliya ee ka soo hadhay mudaneyaashii xisbiga UCID ugu jiray Golaha Wakiillada oo iyagu ku kala biiray Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, waxa uu masuuliyadda khilaafkaas ku eedeeyey inay cid gaar ahi dabada ka riixayso, waxaanu mudanahani ku baaqay inay sida dhakhsaha badan loo soo af-jaro khilaafka jira haddii la danaynayo masiirka iyo jiritaanka golaha Wakiillada.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha meesha uu salka ku hayo khilaafka kala qaybiyey mudaneyaasha Golaha Wakiillada.

Xildhibaanka oo arrimahan ka hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay, “Aniga oo ah xubinta kaliya ee UCID kaga jirta Golaha Wakiillada, waxaan jecelahay inaan si dhex-dhexaadnimo ah oo kalsooni ah aan mawduucan uga hadlo, dadweynahana aan ka siiyo wixii xog ah iyo aragti ku aaddan mushkiladdan,” ayuu yidhi Md Qabile.

Mudane Qabille waxa uu khilaafka ka dhex aloosmay golaha Wakiillada masuuliyaddii u sibir-saaray fara-gelin dibadeed oo aanu carrabaabin cidda ay tahay, waxaanu yidhi, “Dadweynaha reer Somaliland ee dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ku sugan waxaan hawada u marinayaa aragtida naxdinta leh ee Qarankii Somaliland kaga soo baxday (Golaha Wakiillada).

Maaha Arrin ku siman Golaha Wakiillada. Raadka ugu weyn ee mushkiladdan waxa sababay Duullaan dibadda kaga yimi Golaha,” ayuu yidhi Md Maxamed Faarax Qabile.

SOMALILANDPOST.NET