Waxaana haddal kooban ka jeediyay xarunta golaha baarlamaanka xildhibaan Maxamoud Daa’uud shixim isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga PDD, wuxuuna yidhi sidatan “Waxaan dalbanaynaa in hal daqiiqo oo aamusnaan ah loo sameeyo dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay xasuuqii 21 December 2015 xaafada Buldhuqo iyo weerarkii lagu qaaday golaha sare ee USN, kaas oo aw ku dhaawacmay wallaalkeen xildhibaan Siciid Xuseen Roble. Waxaa kaloon dalbanaynaa in dood laga yeesho wixii halkaa ka dhacay”. Waxaana taa ka soo hor jeestay xubnaha aqlabiyada madaxtooyada UMP, waanay taasi sababtay in 6dii xildhibaan ee isbaahaysiga USN, ay ka baxaan xarunta golaha barlamaanta jaabuuti.
Dhanka kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka Xuquuqda Aadamaha u dooda Jabuuti ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (L.D.D.H), ayaa si ku meel gaar ah u baahiyay dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay rabshadahii Jabuuti ka dhacay toddobaadkii la soo dhaafay. Waxaana ku xusan sidan tan.
Kadib baadhitaan aan ku soo samaynay qoysaskii waxyeeladdu ka soo gaadhay masiibadii Buldhuqo 21 Décembre 2015, liiska ku meelgaadhka een haynaayi waa sida tan:
A) 28 qof oo dhimasho ah
B) 52 qof oo dhaawac ah
C) 34 qof oo la waayay
D) 13 qof oo xidhan
Ururka Xuquuqal Insaanka Jabuuti wuxuu ballanqaadayaa in uu soo saari doono liis kama dambays ah maalmaha fooda nagu soo haya, wuxuuna dalbanaynaa in si cad loo muujiyo wixii halkaa ka dhacay garsoorkuna howshiisa qabsado. Si taas loo helana Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobay waa in uu sameeyo baadhitaan madaxbanaan kaas oo go’aamin doona ciddii mas’uulka ka ahayd xasuuqaasi.
Xigasho: Ururka Xuquuqal Insaanka Jabuuti (L.D.D.H)