Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Way Ka Saaqideen Shaqadii Shacabku U Dirsaday‏

Waxa dhawrkii sano ee u danbeeyay shacabku ka daawanayeen shaashadaha TVyada Dalka, Gollaha Wakiilada oo ay fadhiyaan tiro aad u yar oo aan inta badan ka badnayn 42 xubnooda mararka qaarna Golluhu u shaqayn waayo Kooram la’aan taasi oo macnaheedu tahay in Gollaha ay u soo shaqo tegi waayaan tirada ugu yar ee tahay inuu kal-fadhiyada Golluhu ku furmaan taasi oo ah 42 xildhibaan.
Waxa kale oo shacabku niyad jab iyo qaraqan ku noqotay hab-dhaqanka Xildhibaanada Gollaha Wakiilada oo dadka aad ugu yaabiyay aflaagadada iyo xushmad darada ay isku hayaan dhexdooda marka ay ka doodayaan Xeerarka Gollaha. Dadka qaar ayaaba yidhaahda malaha kuwani waligood Fasal iskuul may soo fadhiisan marka aad eegto hab-dhaqanka qaar ka mid ah xildhibaanada.
Tusaale ahaan, waxad arkaysaa tobanka subaxnimo xildhibaano ka shaahaya ama ka qureecanaya Huteelada waaweyn ee Caasimada Hargeisa iyada oo laga yaabo lacagta uu ku shaahayo ama uu ku qureecanayo inay tahay cashuurtii laga soo qaaday oo Hooyooyinka fadhiya suuqyada ee cadceedu ku qaaday daryeel la’aanta ka haysa adeegii ay uga baahnaayeen dhinaca sharciga oo ay u xil saarnaayeen Golllaha Wakiiladu.
Waa nasiib daro inaad wakhtigii shaqada ee Xildhibaanka aad ku aragto goobaha kala duwan ee magaalada iyaga oo u dhex mushaaxaya sidii qof aan wax shaqo ah laga sugayn. Waxa nasiib daro ah inaad arkayso Gollihii Wakiilada oo Kooram la’aan u furmi la, inaad aragto Xildhibaan gaadhi wata oo wada hor marta Gollaha iska maraya. Waxa nasiib daro ah inaad aragto xildhibaan wakhtigii shaqada ee laga sugayay Gollaha, shirar shaqsiyana kaga jira huteelada, taasi oo aanu haba yaraatee uga soo fasax qaadan Gudoonka Gollaha.
Xildhibaanada Golluhu miyaanay ahayn kuwii u dhaartay Umada oo wada daawanaysa ee kitaabka gacanta saaray, miyaanay ogayn in Dhaartaas Alle kala xisaabtami doono hadii aduunyada lagula xisaabtami waayay. Waxa kale oo nasiib daro ah iyada oo intaas oo sharci oo dalka iyo dadka muhiim u ah ay tuulan yihiin Gollaha Wakiilada, kuwaasi oo qaarkood sanado badan horyaalaan. Gudiyadii Gollaha Wakiiladu intooda badan maba shaqeeyaan, iyada oo la sheegay inayna xubnaha ku jira gudiyada aanay ahayn kuwo wada shaqayni ka dhaxayso oo is indha buuxinaya. Waxan u mahad naqayaa xildhibaanada tirada yar ee fadhi kasta oo aan Tvga ka arko fadhiya kuraasidooda ee aan xiitaa ka kicin ilaa uu ka dhamaanaayo kulankaas Golluhu.
Shacabku waxay la amaakaagsan yihiin, in Gollaha Wakiilada oo ilaa intii la doortay shaqeeya wax ka yar laba saacadood maalintii oo noqonaysa usbuucii 12 saacadood ama ka yarba halkii laga rabay inay ka shaqeeyaan usbuucii 48 saacadood, imikana waxa ugu sii biiray in Gollihii u dhaw yahay inuu si rasmiya ugu xidhmo kooram la’aan, iyada oo aanay gollaha dhexdiisa ka jirin isla xisaabtan ku salaysan xeer-hoosaadka ay dhigteen gollahaasi inay ku dhaqmaan.
Gollihii Wakiilada xaalkiisu wuxu marayaa Reer Ba’ow Yaa ku leh, hadii aanay isdaba qaban.
Yuusuf S. Wacays