Xildhibaanada Gobalada Galbeedka Oo Ku Dhawaaqay In Deegaanadoodu Ay Galeen Xaalad Abaareed oo Daran

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaanada gobalada galbeedka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in xaalad adag oo abaareed ay galeen deegaanadii laga soo doortay loona baahan yahay in si weyn loo taakuleeyo, waxay xukuumada ugu baaqeen inay awooda saarto badbaadinta dadka tabaalaysan, waxaanay shacbiga iyo shaqaalaha dalkaba ka codsadeen inay dedaal ku bixiyaan caawinta walaalahooda nolasha adag ay soo waajahday.