Xildhibaan Xukuumadda Ugu Baaqay Hubinta Tayada Cuntada Somaliland soo Dajisato

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ayaa ku baaqay in la sameeyo laababkii lagu baadhi lahaa badeecadaha laga soo waaridayo dalka dibadiisa. Xildhibaan Maxamed Wali, ayaa  sheegay in dalka lagu isticmaalo cuntooyin dhacay oo aan la hubin tayadooda waxaana  uu tilmaamay in  loo baahan yahay guddidii mihnadlayaasha cuntooyinka. “Waxa  muhiim ah  in la sameeyo Guddi mihnadleyaal ah oo la mid ah ta caafimaadka oo baadha raashinka iyo badeecadaha quutal daruuriga ah ee  dibadda la innooga soo waarido.Waxay Guddidaasi innoo qaban lahayd inay bulshadda ka baadho raashinka oo ah mid saamayn caafimaad keenta,”ayuu yidhi Xildhibaanka oo aanu warkiisa kasoo xiganay Gudgude.

Xildhibaanku waxa uu majeertay siday dalka uga hawl-galeen Guddida mihnadleyaasha caafimaadka, oo uu ku dooday inay qabteen hawl-weyn oo loo baahnaa. “Budhcad dawadeedkiina waxa innaga xakameeyay Guddida mihnadleyaasha caafimaadka, kuwan cuntada keenana in loo sameeyo mihnadlayaal  way mudan tahay cuntooyin faro badan oo aanay habboonayn in la quuto ayaa Somaliland la keenaa. Waana mushkilad caam ah oo dalkeenna haysata. Waxaan xukuumadda ugu baaqayaa in Guddi arrintaas ka shaqeysa ay ku dhawaaqdo oo waliba loo soo iibiyo laababkii shaydbaadhka ee ay ku hawl-geli lahaayeenna,”Ayuu intaas ku daray Xildhibaan Maxamed-weli oo ka tirsan aqalka odayaashu.