Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare iyo Xildhibaan Axmed Inni oo loo dhaariyey Golaha Wakiillada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maanta dhaariyey Xildhibaan Xasan Xuseen Maxamed Yoonis (Codyare) iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse Cige (Axmed Inni) oo labadooduba buuxiyey boosas ay ka baxeen laba marxuum oo hore u geeriyooday.

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo la dhaarinayo
Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo la dhaarinayo

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo ka mid siyaasiyiinta Xisbiga Waddani, ayaa buuxiyey booska uu banneeyey Allah ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin oo bishii January ee sannadkan ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuum Axmed Cabdi Kaahin oo ka mid ah Xubnihii Xisbiga UDUB ee gobolka Awdal iska soo sharraxay, balse aan ku soo bixin xildhibaannimada, ayaa isaga laftiisu buuxiyey booska xildhibaan kale oo geeriyooday.

Xasan Xuseen Codyare oo markii dambe noqday Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID, ayaa sannadkii 2005-kii isku soo sharraxay Doorashadii Golaha Wakiillada, isagoo Xisbigii UDUB u metalayey gobolka Awdal.

Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare oo warbaahinta la wadaagay dareenkiisa, ka mid noqoshada golaha wakiillada, ayaa uga mahad celiyay cidkasta oo gacan ka gaysatay dhammeystirka hawsha buuxinta booska bannaanadaaday oo go’aan ka gaadhisteedu muddo sagaal bilood ah qaadatay.

Axmed Inni oo loo dhaarinayo xildhibaanimada Golaha Wakiillada JSL
Axmed Inni oo loo dhaarinayo xildhibaanimada Golaha Wakiillada JSL

Sidoo kale, Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse (Axmed Inni) oo ka mid ah xubnihii iska soo sharraxay xisbiga UDUB doorashadii Golaha wakiillada ee 2005-tii balse aan ku soo bixin, ayaa buuxiyey booska uu banneeyey Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw-Cali Shabeel oo 14-kii bishan October ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Marxuumka geeriyooday ayaa isaguna ka mid ah xildhibaannadii ku soo baxay xisbigii burburay ee UDUB.

Labada xildhibaan ee ku biiray Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa labadooduba lagu dhaariyey Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net