Xildhibaan Wakiillada ah oo Xeer-hoosaadka Goluhu Ansixiyey ku Fasiray Qorshe Dano gaar ah Xambaarsan oo lagu Takoorayo Beelaha Somaliland Qaarkood

BULQAASHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Cismaan Maxamed (Bulqaas) oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ee xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Sanaag, ayaa xeer-hoosaadka uu golahaasi dhawaan ansixiyey ku tilmaamay mid ku dhaqankiisu lagu kala takooray shir-guddoonka golaha, waxaanu ku dooday  inay Kulmiye ahaan ka fiirsanayaan in guddoomiye Cirro ku sii fadhiyo kursiga guddoomiyaha ee Golaha Wakiillada.

Xildhibaan Bulqaas waxa uu soo dhaweeyey in golahoodu yeesho xeer-hoosaad ku haga hawl-maalmeedkooda iyo hab-maamuuska ay ku qaabilayaan madaxda dalka, balse waxa uu si adag uga hadlay qodob ku jira xeer-hoosaadka uu sheegay inuu kala takoorayo shir-guddoonka golaha.

Mudane Maxamed Cismaan waxa uu ku dooday inay cid gaar ahi danaheeda ku fushatay hirgelinta xeer-hoosaadka golaha isla markaana uu saamaynayo qaabka ay beelaha Somaliland Saami-qaybsiga ugu kala leeyihiin Dawladda.

Xildhinaanku waxa uu sidaas ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo sidoo kale uu kaga hadlay tallaabada u qorshaysan Kulmiye ahaan ee ay kaga fal-celinayaan xeer-hoosaadka la ansixiyey.

Mudane Bulqaas oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Marka aan ka hadlo xeer hoosaadka golaha, wuu ubaahnaa goluhu xeer hoosaadka, muddo sideed sano ku dhow oo aanu meesha joognay xeer hoosaadkii hore ee aanu samaysanay ayuun baanu sidii ugu joognay.

Sidaa darteed, qaabkan xeer hoosaadka loo soo dhigay ayaa wuxuu yahay qaab aan waafasanayn distoorka iyo shakhsiyadda qofka, xuquuqul iinsaankana ka baxsan, wax midab takoor la yidhaa ayaa la sameeyay. Shirguddoonkiibaa la yidhi hala kala qaybiyo oo la yidhi qolana 42  haloogu codeeyo, guddoomiyuhuna 55 ha ahaado, taasina waan ka soo horjeednaa, waa fikir khaldan oo ay dad gaar ahi sameeyeen oo ujeeddo gaar ah leh, hawshaasina hawl golaha ka soconaysa maaha.

Duuduub baa lagu ansixiyaybaa la yidhi laakiin duuduubkii waa la iska dabo imanayaayaa oo wixii ka hor yimaadda dastuurka waa wax aan shaqaynayn, dastuurkiina waxa ku yaala wax la yidhaa shir-guddoon. Waa la baabi’iyay shir-guddoonkii oo labadii guddoomiye ayaa hoos loo dhigay, arrin ka soconaya golahayaga maaha.”

Xildhibaan Bulqaas waxa uu si adag u dhaliilay nidaamka hoggaamineed ee Guddoomiye Cirro ku hago golaha Wakiillada, waxaanu yidhi, “Guddoomiyahana waxaan leeyahay, waa guddoomiyaa xisbiga Waddani ee u tartamaya madaxweynaha mustaqbalka, sidaana haddii uu ku hogaaminayo golaha, caddaalad-darradiisa ayaa halkaa ka muuqanaysa, dadka inaanu wada miisaami karayn ayaa halkaasi ka caddahay.”

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Arrinkaasi waxa uu u ekaanayaa in la is takoorayo oo reerihiina qaarna meesha laga saaro qaar iyagu awooddii yeeshaan, taasina ma soconayso.

Anigu ka Harti ahaan baan ka hadlayaa, ma ogolin in kursigayagaas sidaas guddoomiyaha xisbiga Waddani sheeganayo. Sidaas kuma hogaamin karo xisbiga, Harti uguma  jirayo afarta la joogaana way iskaga tagayaan markay caddaaladiisa arkaan, taana kama yeelayno waxa noocaas ah ee guddoomiyuhu meesha ka wado. Shir-guddoonka ragii ila maamulayay ha iga hooseeyeen anna aan xagga sare fadhiyo taasi waa wax aan macquul ahayn.”

Mudane Bulqaas waxa kale oo yidhi, “Ta kale, haddii la doonayo in arrinka wanaag lagu soo celiyo, goluhu sidiisii ayuu ku soo noqonayaa, Waddanina sidiisii ayuu ahaanayaa. Rag Kulmiye ah oo cadhaysan oo aan ogahay oo ka cadhaysan waxyaabo badan oo ka jira xukuumadda iyo xisbiga dhexdooda, ayaa hawshan galay oo ku xumaynaya xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye. Kuwaasina cadhada way ka soo noqonayaan ee ha is macaashsiin.”

Xildhibaanka oo la weydiiyey tallaabada uga qorshaysan ee ay qaadayan haddii ay labada guddoomiye ku-xigeen sidaa uga maqnaadaan golaha, gudoomiyuhuna uu halkaas ka sii wato hawl-maalmeedkiisa shaqo ee guddoonka fadhiyada, waxa uu ku jawaabay, “Adeer ma soconayso sharcibaa dalka kala haga, xuquuqdii iyo distoorkiibaa la jabiyay, dib baana loogu noqonayaa… Xeer hoosaadka oo dhan maaha laakiin qodobka aanu diidanahay waa ka ah 42 iyo 55 ayaa loogu kala codaynayaa shir-guddooonka.  Taa ka yeeli mayno, distuurkayna ka hor imanaysaa. Sidanna goluhu ku socon maayo, aakhirka guddoomiyaa meesha la soo dhigayaa oo la odhanayaa xisbigaaga guddoomiye ka noqo.”

Xildhibaankan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxa uu hanjabaad u jeediyey guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, “Adiguunbaa isku sii fogaynaya bahasha, anaguna difaacaagaanu ku jirnaa, furimihii ayaad isku badisay, waxaan ka baqayaa inaad berri ka maalin u madax bannaanatid xisbigaaga Sida Faysal Cali Waraabe oo aad golaha ka baxdid, waayo sidan dhex  dhexaad kuma noqon kartid, maaddaama  oo  aad  guddoomiyii tahay haddana doonaya madaxweyne oo xisbi mucaarida ah, annagaa kuu dul qaadanay oo raali ka ahayn inaad joogto adigoo Waddani ah,” ayuu yidhi Xildhibaankan Maxamed Cismaan Maxamed (Bulqaas).

SOMALILANDPOST.NET