Xildhibaan Safar Shaki Abuuray dibadda ugu maqnaa oo markii uu madaarka Hargeysa ka soo degay Ciidamada Amnigu qabteen balse Wasiirka Arrimaha Guduhu Baajiyey in Xabsiga loo taxaabo

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxmed Axmed Dhakool oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland oo badhtamihii sannadkii hore ee 2011 socdaal shaki dhaliyey dalka kaga baxay, isla markaana aan si rasmi ah loo ogeyn meesha uu dalka uga baxay, ayaa shalay ka soo degay madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, kaas oo la sheegay in ciidamada amaanku ay ku qabteen halkaasi si ay xabsiga ugu dhaadhiciyaan, balse wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale uu ka baajiyey in xildhibaankaasi xabsiga loo taxaabo, sida ilo-wareedyo ka ag-dhawaa madaarku u xaqiijiyeen Haatuf.

Xildhibaan Dhakool oo ka mid ah mudaneyaasha xisbiga UDUB ee habka doorashada dadban ama isxambaarka looga soo doortay gobolka Sool oo muddo sannad ku dhow dalka ka maqnaa, oo maqnaanshihiisana ay dadka qaar la xidhiidhiyeen inuu lug ku lahaa kooxihii dilalka qorsheysan ka fulin jiray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, isla markaana uu shaki badani ka dhashay halka uu jaan iyo cidhib dhigay muddadii uu xildhibaankaasi dalka ka maqnaa.

Xildhibaan Dhakool ayaa la sheegay in markii uu ka soo degay  Madaarka Hargeysa oo ciidamada booliska ay qorshaysnaayeen inay xabsiga u taxaabaan ayaa la sheegay in wasiirka Arrimaha Guduhu Amar ku bixiyey inaan la qabanin xildhibaan Dhakool, kaas oo muddadii uu dalka ka maqnaa socdaalkiisa lala xidhiidhinayey mid fakad ku ah dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro ayaa isagu badhtamihii sannadkii hore xilligaa uu Dhakool dalka ka baxay, ayaa sheegay in xildhibaanka uu siiyey fasax bil ah, balse shir-guddoonku waxa uu sheegay inaanay garanayn meel uu tagay iyo dalka uu u kicitimay, taas oo iyaduna dareemo shaki leh iyo tuhunno badan sii galisay, ayaa muddadii fasaxa la siiyeyna ay muddo dhaaftay muddo sannad ku dhow oo uu dalka ka maqnaa.

Xigasho: Haatuf