Xildhibaan Raaligalin ka Bixiyey Dhacdadii Callanka Xisbiga WADDANI Eyga Loogu Labisay

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Gabiley, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa raaligelin ka bixiyey dhacdadaasi calanka WADDANI la huwiyey Eyga.

Md. Ibraahim Axmed Haybe waxa uu sheegay in falkaasi ahaa mid fool xun oo ay ka dambeeyeen dhallinyaro aan cidna matalin oo qayrul-masuul ahi, isla markaana dambigaasi aan loo aanayn karin reer Gabiley.

“Maalin dhawayd arrin aad u fool xun ayaa ka dhacday Gabiley oo lagu eedeeyey dadkeeda, laakiin aanay dambigeeda lahayn, magaalada lama kala xigo, weftiga WADDANI way tageen Gabiley oo galin hore ayey galeen, qadadii bay joogeen oo way fadhiisteen oo way ku qayileen oo hawlahoodii way ku qabsadeen kadibna tobankii habeenimo (saacadda Geeska Afrika) ayey ka soo baxeen, waxani meel uu ka dhacay may ogayn oo may arag, cid aflagaadaysay iyo cid wax xun ku tidhi oo dhegahoodu ku dhaceen ma jirin. Waxan waxa sameeyey inamo yaryar (dhallinyaro) oo aan xishoonayn oo aan cidna ahayn. Si kastaba ha ahaatee, arrintaasi raaligelin baanu ka bixinaynaa, aad iyo aadna waanu uga xunnahay, shacabka reer Somaliland iyo axsaabtana waanu ka raaligelinaynaa,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Axmed Haybe.

Waxa kaloo uu sheegay in falkan ay sameeyeen dhallinyaro aan cidna matalin oo ay saamayn ku yeelatay balwadda Qaadku, kuwaas oo iyagoo adeegsanaya tiknoolajiga casriga ah isugeegeeyey sawirro qaarkood la qaaday muddo ka badan sannad ka hor.

Somalilandpost, Hargeysa Office
Somalilandpost@live.com