Xildhibaan Madaxweynaha Uga Mahadceliyay La Xisaabtanka Masuuliyiinta Wasaaradaha

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, guddoomiyaha guddida ilaalinta hantida qaranka iyo dabagalka musuqmaasuqa ayaa madal lagu xusayay maalinta musuqmaasuqa oo Hargeysa lagu qabtay wuxuu ka mahadceliyay in madaxweyne Siilaanyo bilaabay xog waraysi uu la yeelanayo wasiirada kadib markii guddidiisu soo bandhigtay baahiyo badan oo gobollada dalka ka jira.

Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay musuqmaasuq baahsan oo ka jira Somaliland. Wuxuu sheegay in hay’addaha dawladda isla xisaabtankoodu aanu ahayn mid firfircoon, islamarkaana laga dareemayo madmadow musuqmaasuq.

Halkan ka daawo Muuqaalka Xildhibaanka

https://www.youtube.com/watch?v=5qZVoQQP_qY