Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo cambaarayn u jeediyey Sh. Shariif, fashiliyayna xidhiidh ka dhexeeya Kooxaha Argagixisada Muqdisho iyo Kooxda Khaatumo-seeg

Hargeysa, 08 March 2012(SLpost)-Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa canbaareeyey hadal ka soo yeedhay masuuliyiinta dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, kaasi oo la sheegay inay taageero u muujiyeen kooxda Khatumo.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu tilmaamay in masuuliyiinta dawladda ku-meel-gaadhka ah Soomaaliya, sida madaxweynaha Soomaaliya uu ku fashilmay inuu wax ka qabto degaanada uu isagu ka taliyo, isaga oo sheegay inay tallaabo fool xun tahay inuu Somaliland oo dal nabadoon oo dumuqraadiya uu isku dayo inuu waxyeello ku geysto. “Arrin aan ahayn caqli gal ahayn weeye, Khatumo wax la yidhaahdo ma  jiraan oo anigu maba aqoonsani. Sheekh Shiirif inta uu Khatumo aqoonsanayo oo gobolo Somaliland sheeganaya, waxa uga fiican kuwa Banadir land sheeganayaa oo uu aqaladooda xidhayo oo isteeshinada gaynayo,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaan Indho-indho ayaa sidoo kale eedeyn kulul u soo jeediyey Madaxweynaha dawladda ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, isaga oo sheegay inuu miciin ka dhiganayo saaxiibadiisa ay u wada ahayeen Maxkamadaha isagoo arrimaha ka hadlay waxa yidhi,“Ta labaad waxa odhan lahaa ninka odayga ah ee sheekh Shiirif markii loo sheegay maalinta uu xillka wareejinayo waxa uu ku noqday saaxiibadiisii berigiisii hore uu ka mid ahaan jiray ee Waddaada iyo Al-Shabaabka, Maxkamadaha. Markii la yidhi xilka wareeji waxaad mooda inuu ku noqday saaxiibadiisii hore oo kuwo badan oo ay isaga saaxiibo ahayeen oo imika Khatumo sheeganayaa ayuu dan mooday.”

Xildhibaanku waxa kale oo baaqa u diray madaxweynaha Somaliland oo kula taliyey inuu beesha caalamka ugu baaqo inuu Sheekh Shariif jabiyey heshiisyadii lagu gaadhay shirka ka dhacday London, “Markii uu maqlay Somaliland iyo Soomaaliya way wadahadalayaan waxa uu weerar ku soo qaaday Somaliland. Aniga aragtidaydu waxay ilaa tahay inuu madaxweynaha Somaliland qaylo dheer fidiyo oo beesha caalamka u sheego qodobadii ka soo baxay shirka inuu jabiyey,” ayuu yidhi Xildhibaanku mar uu maanta u warramayey waramay Horn Cable TV.

SLpost News Desk

kaafi20@hotmail.com