Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa oo Baaq xambaarsan Codsi iyo Caddeymo is-barkan u diray Madaxweyene Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa, ayaa walaac iyo deyro ka muujiyey Hoggaanka Golaha Deegaanka iyo guud ahaan xilalka ay umadda u hayaan xildhibaanada golahahaas ee uu ka tirsan yahay oo uu saluug ka muujiyey.

 

Xildhibaan Maxamed Wayrax oo maanta qaar ka mid ah saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ugu baaqay inuu gebi ahaanba kala diro Golaha Deegaanka Caasimadda, isagoo soo bandhigay qodobbo uu u cuskaday inay jiraan in mudaneyaasha Golahaasi ku waayi karaan loona daliishan karo go’aan kala diris ah oo madaxweynuhu u cuskan karo.

 

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN

https://www.youtube.com/watch?v=4lhM4-tTvgI