Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka dalka Sweden una Dhalay Somaliland iyo wefti ay hoggaaminayo oo socdaal shaqo yimi Somaliland (VIDEO DAAWO)

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaanad ka tirsan Golaha Deeganka ee Dalka Sweden oo lagu magacaabo Marwo Ifraax Cali Kirix oo u dhalatay Somaliland oo ay Waheliyaan Xubno Suxufiyiin ah  ayaa si wayn loogu soo dhawayay Magaalada Hargaysa.

Weftigan ka  socda Dalka Sweden waxaa kaga hortagay Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal International ee Magaalada Hargaysa mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Beeraha Mudane Faarax Cilmi Maxamud “Geedoole”,Agaasimaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye,Xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha Wakiilada,Guurtiga,iyo Golayaasha Deegaanka,Xubno ka socday ururka haweenka Qaranka ee Now iyo Dadweyne kale.

Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan Golaha Deeganka ee Dalka Swedan oo warbaahinta uga waramaysay ujeedada socdaalka iyada iyo xubnaha wehelinaya ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay dib ugu soo laabato dalkeeda hooyo ee Somaliland oo mudo dheer ay ka maqnayd,waxaanay xustay in mudada ay booqashada ku joogaan Wadanka ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Xukuumada,Golaha Baarlamanka iyo haweenka Somaliland,iyadoo intaas ku dartay inay sidoo kale booqan doonaan Xarunta Agoomaha ee Caasimada Hargaysa iyo Jaamacada Hargaysa.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Mudane Faarax Cilmi Maxamud “Geedoole”,Agaasimaha Xafiiska Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamud Diiriye ayaa hadalo soo dhawayn iyo mahadcelin ah halkaasi ka soo jeediyay isla markaana tilmaamay dareenka farxada leh ee ay ku soo dhawaynayaan Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland iyo xubnaha kale ee safarkeedan ku wehelinaya.

SLpost News/Hargeysa