Xildhibaan Ka Mid ah Baarlamaanka Federaalka Oo Maanta Bom Loogu Xidhay Gaadhigiisa

Muqdisho(SLPOST)Agagaarka daarta Salaama Bank ee degmada Xamar Weyne waxaa saaka qarax miino lagula eegtay Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino, kaasi oo u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaadhay qaraxaasi miino.

DSC00099-500x375

Qaraxa Miino ayaa la sheegayaa in Xildhibaanka loogu xidhay gaadhi uu watay kaasi oo la qarxay markii uu isku dayay inuu gaadhigiisa kaxeysto.

Daqiiqado kaddib waxaa goobtaasi soo gaadhay ciidamada Booliska Dowladda Federaalka, kuwaasi oo bilaabay howlgallo isla markaana meesha ka qaaday meydka Xildhibaanka.

Ma aha markii ugu horeysay oo miino nooca saacadda ku shaqeysa lagu dilo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, iyadoo hore qarax sidaan oo kale ah lagu dilay Xildhibaan Garweyne xilli uu marayay agagaarka xarunta Bacadlaha Xamarweyne.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyaan kooxo nabad-diid ah oo ka soo horjeeda Dowladnimada Soomaaliya iyo nabad ka dhacda dalka oo dhan.

 

DSC00099-500x375 DSC00100-500x375 DSC00097-500x375 DSC00101-500x375

 Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland