Xildhibaan Jamaal Cismaan oo ka dareen-celiyey Guusha uu ka gaadhay Doorashada Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi oo ka mid ah murashaxiinta Xisbiga Kulmiye ee ku soo baxay Doorashada Golaha Deegaanka ee Hargeysa, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aaddan guusha uu ka gaadhay Doorashadii goleyaasah deegaanka iyo Wakiillada ee dalka ka qabsoontay 31-kii Bishii May 2021.

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi ayaa ka soo dhex-baxay 17 murashax oo Xisbiga Kulmiye ugu loolamay Golaha Deegaanka Caasimadda, isla markaana ku soo baxay kaalinta 4aad ee murashaxiinta Xisbiga oo ku helay 6,605 Cod, taas oo ka dhigtay inuu noqdo murashaxa shanaad ee ugu codka badan Xildhibaannada ku soo baxay Golaha Deegaanka Hargeysa.

Haddaba, Xildhibaan Jamaal Cismaan oo maanta la hadlay warbaahinta, waxa uu ugu horeyn farriin mahad-naq iyo hambalyo xambaarsan diray guud ahaan Shacabka Somaliland ee ka qayb-qaatay Doorashada, gaar ahaanna taageerayaashii codkooda siiyey.

Xildhibaan Jamaal Cismaan waxa uu shacabka degmada Hargeysa u ballan-qaaday inuu si caddaalad iyo sinnaan ugu shaqayn doono isla markaana uu ka midho-dhalin doono kalsoonida ay ugu codeeyeen.

“Waxa guulaystay guud ahaan shacabka somaliland, waxa guulaystay calankeena, waxa inoo qabstoontay doorsho aan hore loo arag oo si Caddaalad ah u dhacday. Waxa ay ahayd doorasho isku sidkan oo Culayskeeda leh, dhamaan gobalada somaliland oo dhana ka dhacday. Waxay ahayd doorasho kii guulaystay iyo kii aan guulaysanba ay ku wada qanceen. Alle SWT ayaa mahad oo dhan iska leh. Sidoo kale, madaxawaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo doorashadan dhaqalaheeda, amnigeeda iyo qabashadeeda ba lahaa wuu ku amaanan yahay,” ayuu yidhi Jamaal Cismaan.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan halkan uga mahad-naqayaa dhammaan tageerayaashaydii. Guusha taarikhiga ah ee aynu gaadhnay waa mid ku timid dadaalkiinii iyo tacabkiinii.

Waxan fulin doona ballan-qaadyadii aan ballan-qaaday wakhtigii aynu ololaha Doorashada ku jirnay Haddii Allah idmo.”

Dhinaca kale, Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi waxa uu farriin u diray murashaxiintii ka qayb-qaatay doorashada ee aan nasiibka u helin inay ku soo baxaan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net