Xildhibaan Indho-indho oo Ka Hadlay Baadhis Shidaal oo ka Socota Gobolka Sool

Hargeysa(SLpost) – Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha guurtida, ayaa jawaab adag siiyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Muqdisho iyo Garoowe, kuwaasi oo ka hadlay shidaal baadhista Somaliland ka waddo gobolka Sool, halkaasi oo ay muran galiyeen wasiiro Somalia u hadlay.

Wuxuu sidoo kale farriin u diray wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland oo uu faray inuu wax u qabto kana jawaabo tabashada bulshada deegaanka laga baadhayo shidaalka ee gobolka Sool, halkaasi oo dadku ka cawdeen inaan laga jawaabin baahiyo ay hore xukumadda iyo shirkaddaha shidaalka ugu gudbisteen.

Diyaaraddo shirkadda DNO oo Somaliland heshiis kula jirtaa leedahay ayaa todobaadadii u dambeeyay baadhis ka wada degaannada Xudun, taas oo abuurtay muran Somaliland iyo Somalia u dhexeeya, qaar dadka degaanka ahina cabasho ka muujiyeen.