Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo kulan la qaadatay Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Jönköping ee waddanka Sweden iyo laba Suxufi oo la socday ayaa maanta la kulantay maayarka caasimadda Hargeysa iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka.

Maayor-ka caasimadda iyo golaha deegaanku waxay xildhibaanadda iyo suxufiyiinta u sharraxeen qaabka ay gole ahaan u dhisan yihiin, waajibaadka ay u xilsaaran yihiin iyo sida ay u shaqeeyaan.

Dhanka kalena xildhibaanad Ifraax cali kirix ayaa golaha deegaanka Hargaysa uga warrantay ujeeddada socdaalkeeda ay ku timi dalkeeda Hooyo, waxaanay ballan-qaadday inay wada-shaqayn iyo isku xidh u samaysan doonta Golaha deegaanka ee magaalada Jönköping iyo Golaha Deegaanka Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

SLpost News/Hargeysa