Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tanaasushay inay Mar labaad ka Qayb-qaadato Doorashooyinka Dalka Sweden

Ifrax KiriixJönköping (SLpost)- Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ah mudane ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Jönköping ee dalka Sweden isla asal ahaan ka soo jeedda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay ka tanaasushay isla markaana aanay doorka isku sharraxi doonin Doorashada goleyaasha Deegaanka Dalkaasi Sweden oo 14 Bisha September ka dhici doonta dalkas.

Xildhibaan Ifraax Kirix oo muddo sannado ah ka tirsanayd Golaha Deegaanka magaalada Jönköping, waxa ay ku go’aankeeda ku shaacisay Qoraal kooban oo xambaarsan war-gelin ay u jeedinaysa bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada Laga doortay iyo Shacabka Reer Somaliland labadaba.

Qoraalka Xildhibaan Ifraax, ayaa u qornaa sidan:- “Asxaabta iyo ehliyadaba waan idin salaamayaa dhamaantiin. Waxaan idiin sheegayaa inay doorashadii Sweden tahay 14 September iyadoo la dooran doono xisbigii hagi lahaa waddankan Sweden 4-ta sanno ee soo socota. Sida aad badankiinnu la socotaan, waxaan ku jiray Afartii Sanno ee ugu dambaysay Dawladda Hoose ee magaalada aan degganahay ee Jönköping. Waxaan ogeysiinayaa taageerayaashaydii Soomaaliyeed ee sida mugga wayn leh iigu codeeyey in aanan sannadkan is-sharrixi doonin sababtoo ah anigoo ka cudur-daartay inaanan fulin karayn xilkaa arrimo ii gaar ah oo shaqsiyadeed awgeed,” ayey xildhibaanku ku sheegtay qoraalka ay ku shaacisay in aanay mar labaad isu-sharrixi doonin doorashada Golaha deegaanka ee magaalada Jönköping oo ay hadda ku nooshahay.

SOMALILANDPOST.NET