“Xildhibaan ha halmaamin in ma-jirtada aynu sheegnaa ay taabanayso qaranimadii guud oo ay ka duwan tahay loollanka gudaha yaalla” – Barkhad Maxamuud Kaariye

 “Waar markaynu dhalinyar nahay ee da’ yar nahay, dib-baa loo noolaan doonaa ee yeynaan u jidaynin jiilka innaga dambeeya in hay’adaha iyo waaxyaha qaranka marka la soo galayo in nidaamkan lagu soo galo, hadallada ma-jirtada ahna la kala reebo”. – Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia

Addis Ababa (SLpost)- Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, ayaa waxba-ka-jiraan ku tilmaantay hadal Salaasadii shalay ka soo yeedhay Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada JSL oo eedaymo u jeediyey masuuliyuiinta safaaradda.

Xildhibaan Mustafe Axmed oo ka mid ah mudaneyaasha Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiillada uga soo baxay Gobolka Sool, waxa uu magaalada Hargeysa warbaahinta ugu sheegay inuu baxsad iyo fakad kaga yimi magaalada Addis Ababa oo uu toddobaadyadii u dambeeyey ku sugnaa, kaddib markii sida uu ku dooday af-duub loogu geysan gaadhay caasimadda Ethiopia halkaas oo uu sheegay inay ugu yimaaddeen xubno ka tirsan sirdoonka Ethiopia oo inay fal-dambiyeed ka dhan ah dalkaas ku haystaan u sheegtay.

Waxa uu xildhibaanku ku eedeeyey safaaradda inay telefoonada masuuliyiintu xidhnaayeen markii uu isku dayey inuu la xidhiidho si uu ugu war-geliyo dhacdada uu la kulmay, waxaanu intaas ku daray eedayn salka ku haysa arrimo siyaasadeed oo khuseeya loolanka siyaasadeed ee xilligan ka taagan gudaha dalka.

Haddaba, Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia Garyaqaan Barkhad Maxamuud Kaariye oo isagoo ku sugan magaalada Addis Ababa shir-jaraa’id ku qabtay xarunta safaaradda, ayaa jawaab ka bixiyey eedaynta xildhibaanka, waxaanu sheegay inaanay jirin wax ay safaarad ahaan ka ogyihiin xadhigga xildhibaanku sheegay isla markaana aanu xildhibaanku wax xidhiidh ah la soo samaynin safaaradda.

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye waxa uu ugu horeyn ka wabixiyey qaabka ay safaarad ahaan ugu adeegaan muwaadiniinta Somaliland iyo sida ugu habboon ee safaarad ahaan loola xidhiidhi karo isla markaana u gutaan masuuliyadda ay Qaranka ugu xil-saaran yihiin.

“In kasta oo shaqada safaaradda u taalla, hawlaha aan qaranka u hayno iyo Dhaqanka Safaaradda yaallaa aanu ahayn inaanu muwaadiniinta uga jawaabno warbaahinta, haddana waxay ka fursan wayday inaanu dadka u caddeyno hadal uu jeediyey Xildhibaan Mustafe Axmed Cabdilaahi oo ka mid ah xildhibaannada cusub  ee Golaha Wakiillada loo doortay dhawaan.

“Metelaadda aanu qaranka ugu metelno dalka Ethiopia maaha mid gaar u ah xisbi, shaqsi, koox iyo dadka aragti siyaasadeed la wadaaga; Haseyeeshee waxaanu metelnaa muwaadin kasta oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u dhashay ee dalka ku sugan ama yimaadda, annagoon u eegayn martabadda iyo mansabka uu hayo, haseyeeshee u eegayna inuu yahay muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaas darteed, aanu ugu adeegno, adeeg kasta oo uu nooga soo baahdo iyo garab-joogsi kasta oo uu safaaradda uga soo baahdo”, ayuu yidhi Barkhad Maxamuud Kaariye, isagoo intaas ku daray, “Tiro aan cadad lahayn ayaan maalin walba soo gala oo ka baxa dalkan Itoobiya. Haddii ay muwaadiniinta cabasho ka timaaddo ama ay dhibaato ama wax aanay jeclaysan la kulmaan, waxa jira hannaan safaarad ahaan lanoola soo xidhiidho, kuwaas oo isugu jira in safaaradda la yimaaddo, in telefoonnada safaaradda la soo qaraaco iyo in telefoonnada dibloomaasiyiinta ama masuuliyiinta safaaradda la soo garaaco.”

Safiirku waxa uu sheegay inaanay safaarad ahaan waxba ka ogeyn socdaalka uu xildhibaanku ku tagay Addis Ababa, balse markii dambe laga war-helay isagoo magaalada ku sugan.

“Xildhibaanku markii uu dalka Itoobiya imanayey kamaanu war haynin safaarad ahaan, isagoo magaalada Addis Ababa jooga uunbaanu ka war-helnay. Wuxuu ka mid ahaa masuuliyintii aanu safaarad ahaan ku marti-qaadnay oo ku maamuusnay inay eray ka jeediyaan munaasibad loo qabtay ardayda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shaqaalaha dowladda oo waxbarashadoodii dhammaystay,” sidaas ayuu yidhi Safiirku.

Isagoo ka jawaabayey eedaynta xildhibaanku waxa uu yidhi, “Arrinta xadhigga ah ee uu sheegay xildhibaanku, wax alla wax aanu ka ogeyn ama kala soconnay ama ka ognahay ma jirto, xildhibaankuna muu soo caban oo noomuu iman maadaama sida uu sheegay ay isaga wax ku dhaceen, safaaraddu meeshay ku taallo muu garan waayin, telefonkayga muu garan waayin, teleefoonada masuuliyiinta kale ee safaaradda muu garan waayin. Hase ahaatee, waxaan jecelahay inaan dadka u caddeeyo inaany jirin meel uu dacwad iyo cabasho iyo wax ku dhacay ku soo wargeliyey safaaradda.

Meesha uu xildhibaanku leeyahay telefonkiibuu naga xidhay safiirku ama safiir ku-xigeenku, waxaan jeclahay inaan dadka u caddeeyo Arrintaasi waa ma-jirto. Maalintii 100 telefoon wax ku dhow oo muwaadiniinta ama telefoonno shaqo ah, intaaba waanu ka jawaabnaa oo waxaanu uga jawaabnaa hadba sida ay ugu baahan yihiin safaaradda. Haseyeeshee, waxaan jeclahay inaan caddeeyo telefoon xildhibaanku leeyahay oo isoo galay inaanu jirin, telefoon xildhibaanku igala soo hadlay inaanu jirin, telefoonkayga oo xidhanina inaanu jirin. Waxaanse u arkaa inay tahay food-saaro iyo af-gobaadsi uu xildhibaanku doonayo inuu ku galo loolanka siyaasadeed ee dalka gudihiisa yaalla.”

Safiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxaan jeclahay, sidoo kale, inaan xaqiijiyo ama aan dadka gaadhsiinno in haddiiba ay taasi dhacday, sida uu isagu sheegayo, halkuu maanta ka leeyahay xildhibaanku ‘anigoo baxsad ahbaan Hargeysa tagay’, isagoo ka karaamo badan oo ka sharaf badan oo sumcaddii, karaamadii iyo guud ahaanba qaranka JSL ee uu metelayo sita, inuu dhib yaraan kaga dhoofi lahaa madaarrada, haddii dacwadi na soo gaadhi lahayd. Sababtoo ah, iska daa isagoo xildhibaan ah oo xasaanad iyo magac sitee, qofka shacabka ah ee caadi ah ee Somaliland baanaan u ogolayn inay xagtini gaadho ama waxyeello ku soo gaadho dalkan Itoobiya gudihiisa.”

Safiir ku-xigeenka Somaliland ee Safaaradda Ethiopia, waxa uu xildhibaan Mustafe u hoga-tusaaleeyey baaxadda ay le’eg tahay eedaynta uu masuuliyiinta Safaaradda u jeediyey iyo saamaynta siyaasadeed ee ay qaran ahaan iyo xildhibaan ahaan mustaqbalkiisa siyaasadeed ku yeelan karto.

“Hayeeshee, xildhibaanku isagaa sidaa doortay baan u fahmay, waxaanse jeclahay in xaqiiqda jirta iyo ma-jirtada la kala reebo, xildhibaankana waxaan jeclahay oo aan doonayaa inaan u sheego oo aan dadka maqashiiyo in arrintaa wax allaale waxa uu ka sheegay ee xaggayaga dowladda khuseysaa aanay haba yaraatee jirin. Mana aha wax na qabta oo noo cuntama safaarad ahaan, dowlad ahaan iyo qaran ahaan intaba.

Xildhibaan Mustafe waa dhalinyar ah oo aanu saaxiib nahay oo wax bartay, waxa uu mustaqbal ka leeyahay siyaasadda Somaliland. Waxaan jeclahay inaan markale Xildhibaan xusuusiyo iyo cid kasta oo dhegaysatay; war markaynu dhalinyar nahay ee da’ yar nahay, dib-baa loo noolaan doonaa ee yeynaan u jidaynin jiilka innaga dambeeya in hay’adaha iyo waaxyaha qaranka marka la soo galayo in nidaamkan lagu soo galo, hadallada ma-jirtada ahna la kala reebo.” Sidaas ayuu yidhi Garyaqaan Barkhad Maxamuud Kaariye.

“Waan dareemi karaa xumadda iyo kulaylka loolanka siyaasadeed ee dalka gudihiisa yaalla, haseyeeshee, xildhibaan ha halmaamin in halkan waxa yaalla tahay Qaranka dantiisii guud, in waxaad tidhaahdo iyo ma-jirtada aynu sheegnaa ay taabanayso qaranimadii guud oo ay ka duwan tahay loollanka gudaha yaalla, sababtoo ah loolankaasi berriba wuu dhammaan doonaa, waana laga noolaan doonaa.” Sidaas ayuu yidhi Safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka Safiir-ku-xigeenka safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net