Xildhibaan Golaha Wakiillada ka tirsanaa oo Hargeysa ku geeriyooday iyo Madaxweynaha oo tacsi u diray

xildhibaan cabdikariim aw cali shabeel

 

Hargeysa (SLpost)- Allah u naxariistee waxa maanta magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

Marxuum Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka mid ahaa Mudaneyaashii ka soo baxay Xisbigii burburay ee UDUB ayaa xilligan ka mid ahaa Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Marxuum Cabdikariim Aw Cali Shabeel 

Geerida Marxuumka waxa ka hadlay Masuuliyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo uu ugu horreeyo madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha Somaliland, ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 14/10/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, wakhtigana ka mid ahaa golaha wakiilada Somaliland.
Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, golayaasha guurtida, gaar ahaan wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”