Xiisaha Kulamadii Maanta ee Horyaalka Ingiriiska iyo Natiijooyinkii lala kala carraabay

SLpost Sports – KooxdaManchesterUnited ayaa u dagaalantay inay hal dhibic ka qaadato garoonka Anfield ka dib markii ay barbaro dhac 1-1 ah ku qabteen kooxdaLiverpooloo marti loo ahaa.

Kabtanka kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee ciyaar uu ku bilowdo xilli-ciyaareedkan daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta, waxaana uu ahaa laad xor ah oo uu si fiican u qaabeeyay. Goolka Gerrard ayaa ahaa kii 50-aad ee uu ka dhaliyo garoonka Anfield, halka goolkaasi uu sidoo kaleLiverpoolu ahaa goolkii 1200-aad ee ayLiverpooldhaliso intii horyaalka Ingiriiska loo bixiyay Premier League.

Xiddigga Everton ee Saha oo kubadda la dhex maraya John Terry iyo Lampard

Inkastoo Liverpool ay hogaanka qabatay hadana waxaa barbareeyay ciyaaryahan Javier Hernandez kaasoo bedel ku soo galay islamarkaana madax ku dhaliyay iyadoo ciyaarta ay ka dhiman tahay sagaal daqiiqo oo qudha. Labada kooxood ayaa fursado helay, laakiin fursadihii ugu fiicnaa waxaa iska khasaarisayLiverpool, iyadoo qaybtii hore ee ciyaarta uu fursad khasaariyay Luis Suarez, sidoo kalena dhamaadkii ciyaarta ayaa fursado ay may dheen.

Labada kooxood ayaa sidoo kale ku dooday inay rigoorayaal heleen, laakiin garsooraha midna ma uusan dhigin. Halka dhibic oo ay labada kooxood heleen midoodna dani uguma jirto,Liverpoolwaxa ay heli laheyd fursad ay ku soo gasho kaalinta afaraad.

Dhinac kale, Ciyaartii kale oo aad u kululeyd ayaa waxaa fooda is daray naadiyada Manchester City iyo Aston Villa waxaase boqolkiiba boqol ku cagan sarreysay kooxda City oo 4 – 1 ku badisay waxaana goolasha oo qurux badnaa ka dhaliyey laacibiinta kala ah  Balotelli, Johnson, Kompany iyo Milner iyadoo goolka aad u qurux badan uu Aston Villana uu saxeexay laacibka
Sidoo kale, waxay ciyaar aad u xiiso badani dhexmartay kooxaha Chelsea iyo Everton oo aanay Chelsea lix iyo afartan sannadood aanay ka badin kooxda Everton oo ay xalay ugu quus qoysay 3-1.

Kulamadii Shalay/xalay la ciyaaray oo dhamaystiran waa sidan:

Liverpool1 – 1 ManchesterU.
Manchester C. 4 – 1 Aston Villa
Norwich C. 3 – 1 Swansea C.
Queens Park R.  1 – 1 Blackburn R.
Stoke C. 2 – 0  Fulham
Wigan Athletic 1 – 3Bolton W.

Chelsea3-1 Everton