Xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti iyo Xeeladaha Labada Dhinac – W/Q: Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

Iyadoo uu maalinba ta xigta kor u sii kacayo xidhiidhka dhinacyada badan leh ee ay somaliland la leedahay jabuuti ayaa qormadeenan kooban waxaynu ku eegaynaa sida ay Jabuuti ugu hagar baxsan tahay jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay inoola dhinac taagan tahay taageerooyinka siyaasadeed, bulsho iyo horumarineed, halka sidoo kalena aynu qaybta dambe ee qormadeena ku iftiiminayno sida ay Somaliland lafteedu ahmiyad u siinayso xidhiidh dhow oo ay la yeelato jaarkeeda jabbuuti iyo sida ay ugu diyaargarawday inay buuxiso kaalinteeda ku aaddan hawlaha ay labada dhinac sida wada jirka ah u wadaan.

Marka laga yimaado xidhiidhadii sokeeye ee ay jabuuti la lahayd Somaliland-ta cusub waxaynu soo qaadanaynaa qaybo ka mid ah talaabooyinka ay jabuuti ka qaaday hagaajinta xidhiidhkaasi.

July 27,2011  Jabuuti waxay wefti balaadhan u soo dirtay Somaliland si ay uga qayb galaan caleemo saarkii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).Xilli ay Jabuuti meeqaam Madaxweyne ku qaabishay Madaxweynaha Somaliland markii uu safarkiisii ugu horeeyey ee Dunida Carabta ku tegay dalka jabuuti.

Dalka jabuuti waxuu kaalin muuqata ku lahaa qaabkii  ay Somaliland kaga qayb gashay wanqalkii dawlada cusub ee K/Suudaan oo weftigii Madaxweynaha Somaliland hogaaminayey ay ka qayb galka kala sinaayeen wufuudii kale ee ka kala timid caalamka gaar ahaan kuwii gobolka sida Itoobiya, Ereteria, Sudan, Kenya, Somalia iyo Jabuuti Lafteeda.

Jabuuti waxay wefti balaadhan kaga soo qayb gashay Xuskii 18 May ee sanadguuradii labaatanaad ee ka soo wareegtay  looga dabaaldegay Somaliland sanadkii 2011. waxayna go’aansatay inay xafiis Diblumaasiyadeed ka furato Hargaysa Somaliland.

Dalka Jabuuti waxuu lahaa soo jeedintii wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee shirkii London qodobkaa oo ay beesha caalamku ku xaqiijisay in ay labo kala yihiin labadii wadan ee midoobay Lixdankii dibna u kala noqday sagaashan iyo Kowdii.

Martiqaadkii uu Raysalwasaaraha jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta u fidiyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo ogolaanshahii jabuuti in baasaboorka Somaliland si rasmi ah loogu tegi karo dalkeeda.

Sidii ay jabuuti uga hawlgashay go’aankii ay dalalka IGAD ugu ogolaadeen Somaliland inay xubin sharaf ka noqoto urur goboleedkaasi oo ahaa kii dhamaystiray isla markaana fuliyey heshiiskii natiijadiisa ay ka dhalatay dawlada cusub ee K/suudaan.

Ogolaanshaha ay jabuuti ka samaysay in xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland uu qaab rasmi ah uga qayb galo tartanka Half Marathon-ka ee dalka jabuuti sanadkiiba mar lagu qabto, Bangiga ganacsiga jabuuti (BC) oo laan aan weli shaqo gelin ka furtay hargaysa, maalgashiga ganacsatada Jabuuti ay ku leeyihiin Wershada SBI ee Coca kola  iyo sida ay hay’adda Ramad ee fadhigeedu yahay jabuuti ay gacanta ugu hayso Dugsiga sare ee sacaadadiin ee Magaalada saylac oo ah dugsi Boodhan ah dhamaantood arimahaasi waxay qayb ka yihiin taageerooyinka hagar la’aanta ah ee ay jabuuti isla dhinac taagatay Somaliland mudo ka yar labo sanadood.

Somaliland dhankeeda waxay jabuuti ka dhigatay Numberka koobaad wadamada ay xidhidhka la samaynayso.

Somaliland waxay kalsooni ku qabtaa sida ay jabuuti fagaarayaasha caalamiga ah ugu sharrixi karto qadiyada Somaliland .

Dhinaca ammaanka oo ay labada wadan wada shaqayn ka leeyihiin Somaliland waxay awood saartay siday uga soo bixi lahayd masuuliyadeeda dhinaca ammaanka waxaana la aasasay saldhiga ciidamada ilaalada xeebaha (Marines) ay ku leeyihiin magaalooyinka lughaya iyo saylac saldhigyadaas oo hawgalo joogto ah ka haya ilaalinta amniga xuduud-badeedka labada dal halka sidoo kalena ciidamada Somaliland ee labadaas saldhig adkeeyeen sugida aminga xeebta galbeed ee somaliland oo rubucii dambe ee sanadkii 2010 ay si lama filaan uga soo dageen ciidamo ka tirsanaa jabhada ONLF oo xeebta isku soo beegay waqti lagu jiro fasaxyadii ciidul fidriga iyo jimcaha oo is galay sanadkaa , xilli ay Somaliland ka soo baxday waajibkii ka saarna amniga baraha la isaga gudbo xuduuda labada wadan sida degmada Lawyacado.

Inkastoo jabuuti leedahay ciidamo hanan kara amnigeeda heshiis ku saabsan dhinaca amnigana ay kula jirto wadamada saldhigyada ku leh dhulkeeda sida faransiiska , jarmalka , maraykanka iyo jaban ,hadana Somaliland oo leh ciidamo ka baxsan siyaasada oo shaqadooda ku eg waxay u taagnaan kartaa inay tahay dalka ugu dhaw ee wadamada gobolka ah ee ka jawaabi kara gardaro jabuuti mar kale kaga timaada dhinaca waqooyi.

ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa hadda shaqadoodu qayb ka tahay qorshayaasha wadamada Mandqaddu ku ilaalinayaan Marinka Baabal-Mandab ee badda cas oo ah bar ay ka talaabaan maraakiibta qaada 35% shidaalka caalamka halka sidoo kalena ay u toog hayaan ciidanka xeebaha Somaliland sida ay wadamada gobolada isku dhaafsanayaan macluumaadka ku saabsan sida looga hortagayo hayaanka la filaayo in dagaalyahano lagaga awood roodaanay tartanka awooda ee ka socda dalka ayna jaarka nahay ee Somalia ay ugu tallaabaan gacanka cadmeed si ay gabbaad uga helaan buuralayda waqooyiga Yeman ee ay gacanta ku hayaan kooxaha xuutiyiinta ah ee haysta mad-habta ashcariyada ee shiicada la haybta ah .

Somaliland waxay martigelisay caleemo saarkii ugaaska guud ee beesha ciise oo deegaan ku ah dalalka somaliland , Itoobiya iyo jabuuti caleemo saarka oo ay ka soo wada qayb galeen masuuliyiin ka socotay sadexda wadan iyo dadweyne ka kala yimid daafaha dunida.

W/Q Xuseen Aadan Yuusuf (Kurdi)

xuskurdi@gmail.com