Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Tababar U Furay Garsoorayaasha Ciyaaraha Fudud

Hargeysa, (SLpost)– Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, ayaa maanta tababar kor loogu qaadayo aqoontooda u furay garsoorayaasha ciyaaraha fudud.

Tababarkan oo ka qoobsamay xarunta xadhiidhka ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiinta xidhiidhka ciyaaraha fudud, guddoomiyaha garsoorka iyo khabiirka tabarkaas bixiyey oo u dhashay dalka Jabuuti laguna magacaabo Sacad Xasan Aadan.

Furitaankii tababarkaas oo uu hadal ka jeediyey xoghaya xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Mustafe Cabdi Xaddi, ayaa sheegay in tababarkani yahay kii labaad ee uu bixiyo khabiir Sacad Xasan isla markaana uu qayb ka yahay tababarada kor loogu qaadayo aqoonta garsoorayaasha ciyaaraha fudud ee Somaliland.

“Si ay hawlaha ciyaaruhu u horumaraan waxa lagama maar amaan ah in la tayeeyo aqoonta garsoorayaasha oo muhiim ah wadista ciyaaha fudud ee dalka,” ayuu yidhi Mustafe.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Xidhiidh ahaan waxa aanu walba ku dadaalaynaa inaanu ka wax ka bedelno aqoonta garsoorayaasha oo ah mishiinka wada hawsha ciyaaraha.”

Waxaa isugana halkaa ka hadlay guddoomiyaha garsoorka ee xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [Heersare] oo si weyn ugu mahadceliyey khabiir Sacad Xasan Aadan, “Waxa aan Sacad uga mahadcelinayaa wakhtigiisa qiimaha badan ee uu inoo soo huray isaga oo ka yimi dalka Jabuuti una yimi inuu garoorayaasheena inoo tababaro.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Maadaama oo ay foodda inagu soo hayaan ciyaarihii goboladu waxa muhiim noqotay in la dardargelinyo aqoonta garsoornimo ee garsoorayaasha ciyaaraha fudud ee waddanka. Waxaana tababarkani suurta gelinayaa inay garsoorayaashu si fiican u gartaan waajibaadka saaran iyo sida ay u garsoorayaan ciyaaraha.”

Waxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay inay xidhiidh ahaan mar kasta isku hawlayaan horumarinta aqoonta garsoorka, “Xidhiidh ahaan waxa aanu mar kasta diyaar u nahay inaanu kobcinno aqoonta garsoorayaasha, oo haddii aan aqoontooda la horumarin ay dhibaato badani ku imanayso geedisocodka ciyaaraha dalka.” Ayuu yidhi Cabdishakuur Heersare.

Waxaana uu garsoorayaasha kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan tababarka loo furay, isla markaana ay dhaqangelinayaan aqoonta kala duwan ee lagu tabarayo.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah uuna bixinayo khabiir Sacad Xasan Aadan oo ka mid ah xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Jabuuti, ayaa garsoorayaasha ku tababaray siyaabaha loogu diyaargaroobo garsooridda ciyaaraha fudud ee ay ka midka yihiin orodada iyo booddooyinka, isaga sharraxaad ka bixiyey sida loo diyaari jadwalka ciyaaraha, habaynta orodada, qabashada saacadaha iyo siyaaha loo maamulo tartannada dhacaya.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net