Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud Ee Somaliland Oo Galabta Soo Gabagabeeyey Tartan Orod Ah Oo Hargeysa Ay Ka Wadeen Iyo Degmada Ku Guulaysatay

HARGEYSA (SLpost)- Xidhiidhka ciyaaraha fudud ee Somaliland, ayaa galabta garoonka ciyaaraha ee Hargeysa Stadium ku soo gabagabeeyey tartan orod oo ay u qabteen dhalinyarada darajada saddexaad (C) ee shanta degmo ee Hargeysa, isla markaana waxa ku guulaytay degmada 26-ka June.

Tartanka oo labadii todobaad ee u danbeeyey ka socday garoonka ciyaaraha ee Hargeysa stadium, isla markaana ay degmo kastaa hore isu soo reebtay kana soo baxeen degmo kasta lix orodyahan, ayaa waxa ka qayb galay orodyahanno da’yar oo ka kala socday shanta degmo ee caasimada Hargeysa.

Orodkan ayaa waxa saddexda kaalmood ee ugu horreeya ku guulaystay orodyahanno da’ yar oo ka socday degmada 26ka June, iyada oo jaa’isado la guddoonsiiyey ilaa kaalinta tobnaad si ay dhiirgelin ugu noqoto dhalinyarada orodka ka qabshay.

Tartankan orod ee xidhiidhka ciyaaraha fudud u qabteen shanta degmo ee caasimada Hargeysa gaar ahaan dhalinyarada darajada C-da ee orodka, ayaa qayb ka ah dardargelinta iyo kor-u-qaadista doorka ciyaaraha fudud ee dhalinyarada Hargeysa.

Waxaana la guddoonsiiyey dhalinyaradii ku gulaysatay kaalmaha hore ee ka socday degmada 26ka June abaalmarino isugu jiray koob, kabo iyo dirays iyada oo sida oo kale abaal-marino la guddoonsiiyey todobada orodyahan oo ku soo xigay saddexda kaalmood ee hore oo isugu jiray degmooyinka kale ee Hargeysa, kuwaas oo u badnaa degmada Ibraahim Koodbuur.

Tartankan orod ayaa waxa xidhiidhka ciyaaraha fudud tageero dhaqaale ku biiray hay’adda Mery Corps iyo dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO.