Xidhiidh ka dhexeeya Dhererka Faraha Gacmaha iyo Dabeecadaha Bani’aadamka

 

Koox khubaro ah ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya xaddiga dheeli-tirnaanta dhererka faraha iyo xawaaraha orodka ee qofka, waxaana ay baadhitaanka cilmi-baadhistoodan ku saleeyeen natiijo ah ka heleen baadhis ay lagu sameeyey 241 wiil oo da’doodu u dhaxaysay 10 ilaa 17 sanno jir, kuwaas oo ka qayb qaadanayey tartan orod ah oo lagu qabtay magaalada Doha ee waddanka Qadar.

Waxa ay sheegeen inay ogaadeen in kuwii fartooda suulka xigtaa (murdiso) ay ka dheertahay faraha intooda kale ay ku ordayeen xawaare sarreeya iyada oo lagu tartamayey masaafo dhan 50 mitir.

“Wixii ay kuwa kale dheeraayeen waxa uu soo baxay in yar ka dib markii uu tartanku bilaabmay, waxaanu xawaarahoodu ahaa sidii ay ku bilaabeen orodka,” sidaa waxa yidhi John Manning oo ka socday Jaamacadda Southampton ee waddanka Ingiriiska isla markaana hoggaaminayey khubarada daraasadda samaysay.

Cilmi-baadhistan, ayaa noqonaysa tii labaad ee nooceeda ah ee dabeecadaha dadka lagu xidhiidhiyo faraha gacmaha, iyada oo daraasad hore loo sameeyey ay tilmaantay in dhererka faraha laga saadaalin karo Ninka daan-daansiga badan ee dadka gar-darrada ku sameeya, balse daraasaddani waxay sheegtay inay ku kooban tahay oo kaliya ragga isla markaana aan laga saadaalin karin dumarka.

Waxa kale oo daraasaddu sheegtay in ilmaha Fartiisa u dhaxaysa Faryarrada iyo Far-dhexada ay ka dheertahay inta kale ay ku wanaagsan yihiin xisaabta, halka ilmaha Fartiisa ku xigta suulku ay ka dheertahay inta kale ay ku wanaagsan yihiin wax-akhriska iyo qoraalka.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net