“Xidhiidh Fiican Oo Iskaashi Ayaanu Leenahay Somaliland Iyo Somalia-ba, Waxaanan Isticmaalnaa Dekedaha Djibouti, Berbera Iyo Kuwa Kale Ee Gobalka”

(SL.Post) Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa markii u horaysay ka hadlay isbedelada dhinaca dekedaha ee ka socda gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in dalkiisu xidhiidh wanaagsan la leeyahay dhammaan dalalka gobalka Geeska Afrika.

hayla-maryam

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn oo toddobaadkan u waramay telefishanka Aljazeera, ayaa waxa la weydiiyay su’aal u dhignayd sidan “Mudane Raysalwasaare waxaa jirta qadiyad la xidhiidha dekedaha (Gobalka) oo dadka qaarkood ku tilmaamayaan dagaalka dekedaha. Tusaale ahaan Imaaraadkii waxa uu maalgashanayaa dekedda Casa bee Ereteriya iyo Berbera oo Somaliland ah, Turkigii oo dekedda Muqidisho maalgashanaya iyo Shiinaha oo Jabuuti isna maalgashanayana. Itoobiyana sida aynu la soconno waa dal aan bad lahayn. Markaa sideed aad u aragtaan arrintan oo khatar ku ah dalkiina?

Raysalwasaare Hailemariam Desalegn ayaa yidhi “Dhammaan deriskayaga xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay, marka laga reebo Ereteriya, xidhiidh fiican ayaa aanu la’ leenahay Soomaaliya, iyo Somaliland oo waqtigan hadda la joogo ah maamul madaxbannaan, inta ay madaxbannanideeda dawladnimo helayso. markaa xidhiidh fiican oo iskaashi iyo jaarnimo ayaa aanu la’ leenahay Somaliland iyo Soomaaliyaba, sidoo kale xidhiidh fiican ayaa aanu la leenahay Suudaan, waxa aanuna adeegsannaa dekedda Suudaan, sidoo kale xidhiidh aad u heersarreeya ayaa aanu la leenahay Jabbuuti, waxa aannaan adeegsannaa dekedda Jabuuti, sidoo kale waxa aanu isticmaalnaa dekedda Berbera.  waxa aana noo qorshaysan in mustaqbalkana aanu adeegsanno dekedda Mombasa annaga oo ka faa’idaysanayna xidhiidhka fiican ee aanu la leenahay Kenya.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qiimayn ayaa aanu u haynaa dhammaan xidhiidhadaas aanu la leenahay dalalka deriska. sidaa awgeed wax dhibaato ah uma aragno maalgashade kasta oo u yimaadda in uu ka shaqeeyo dekedahan, inta aanay taasi khatar gelinayn danahayaga iyo amniga qarankayaga. illaa haddana maalgashadayaasha gobalku wax mushkilad ah ma’ay waajahin. “

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday, “Xaalado colaadeed ayaa meel kasta ka jira laakiin taas macnaheedu ma’aha in aanu colaad la galno saaxiibbadayo iyo kuwa aanu wax wada leenahay, sidaa awgeedna waxa aanu ka shaqaynaynaa xoojinta xidhiidhka istaraatijiyadeed ee aanu la leenahay deriskayaga. iyo in aanu ku wada soconno ajendeyaal aanu wadaagno oo amni, xasilooni iyo barwaaqo ummadayada u horseeda. wax khatar ama cabsi ahna kama qabo deriskayaga xitaa Ereteriya.”

Somalilandpost.net