Xiddigaha Manchester City oo midkiiba loogu ballan-qaaday £250,000 haddii ay ku guulaystaan Horyaalka Ingiriiska

[S]Lpost Sports – Ciyaartoyda kooxda Manchester city ayaa loo ballan-qaaday abaal-gud dhan £250,000.. haseyeeshee waxa lagu xidhay abaal-gudkan inay ku guulaystaan horyaalka Ingiriiska isla markaana beeniyaan riyadii dhiggooda United ee hanashada horyaalka.

Koocda uu hoggaaminayo tabobaraha Talyaaniga ah ee Robert Mancini ayaa qarka u saaran inay qaadaan tallaabo taariikhi ah oo lammaanaynaysa guushii ay kooxdan ku hanatay horyaalka sannadkii 1968 oo ay ugu dambaysay.

Haddii mushaharka ay qaataan xiddigaha kooxda si ay u beeniyaan riyada Manchester United ku filnaan weydo, mulkiilaha kooxda Sheekh Mansuur waxa uu isku dayayaa inuu ugu yabooho xiddigihiisa lacag dheeraad ah oo ku dhiirri-gelinayo.

Sida ay qortay jariiradda The Daily Star, waxa uu Sheekh Maansuur u diyaar-garoobayaa inuu dhiirri-gelinta ciyaartoyda kooxda ku kharash-gareeyo £4.5 milyan haddii ay City ka badiso kooxda Queens Park Rangers kulanka maalinta Axadda ee todobaadka soo socda ka dhacay garoonka Stadium.

Manchester City ayaa hoggaanka horyaalka ku haysta farqi xagga goolasha iyada oo todobaadka soo socda loo diyaar-garoobayo kulankii ugu dambeeyey ee tartanka horyaalka Ingiriiska.

Haseyeeshee, xiddigaha Mancini waxa ay haystaan farqi xagga goolasha ah oo ku filan marka loo eego kooxda xafiiltanku ka dhexeeyo ee Manchester United, waxaanay rejadoodu ku xidhan tahay iyaga oo badiya kulanka QPR si ay u hantiyaan koobka ay kooxdu muddada badan ka qataneyd, natiijo kasta oo ka soo baxda kulanka United iyo Sunderland aanay saamayn ku yeelan doonin.

SLpost Sport News

sports@somalilandpost.net