Xiddigadda FARXIYA KABAYARE oo muddo kooban ku hanatay hoggaaminta Daawashada Muuqaallada Heesaha Fannaaniinta Soomaaliyeed

FARXIYA2Fannaanadda Soomaaliyeed ee Farxiya Kabayare oo ku caan-baxday Cod-macaani iyo Wacdaraha Masraxyada ay ku kulmiyso bulsho-weynta ku xidhan Fanka Soomaaliyeed, ayaa muddo kooban ku ku hanatay inay noqoto fannaanada hoggaaminaysa daawashada muuqaallada Heesaha laga duubo.

Farxiya Kabayare waxa ay kaalintan ku gashay Heesteeda Dhakac-dhakac oo badhtamaha sannadkii 2015-kii ay ku qaaddatay masrixiyad ay ku soo bandhigtay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Heestan ayaa daawashadeedu wakhtigan ku dhow 6 Milyan oo Daawasho oo ay ka heshay Hal Channel oo kaliya oo lagu magacaabo BULSHADA FANKA, Halka tiro ku dhow saddex milyan oo daawade ay ka heshay Channel-ka iska leh heestan soo saaristeeda oo lagu magacaabo Waqal Studio.

Balse, waxa xusid mudan in heestan ay xagga kala horeynta daawadashada kaalinta 2aad ka gelayso marka loo eego hees ay isku sannad soo wada-baxeen oo ay wada-qaadeen fannaanaddan iyo xiddigga Awale Aden, heestaas oo lagu magacaabo OGOLIYAA daawashadeeduna marayso 6 Milyan iyo dheeraad, iyadoo ay labada heesoodba soo wada-baxeen sannadkii 2015-kii.

Waxa kale oo xusid mudan inay jiraan heeso muddo ahaan ka dambeeyey wakhtiga ay soo baxday heestan oo runtii darajo sare iyo daawasho tiro badan helay marka loo eego xilliga ay soo baxeen, balse tiro ahaan kuma dhawa oo heestan ayaa si xoog ah uga horreysa.

Marka la eego xagga daawashada, waxa heestan ka horreeya oo kaliya Muuqaalka Dhaanto uu qaado DIRGAAX oo iyaduna maraysa tiro ku dhow 7 milyan taas oo ku jirta chanelka Waqal Studio. Inkasta oo heestani ka daawasho badan tahay, haddana waxa ay ku kala duwan yihiin tirada sannada ay ku jireen Youtube, iyadoo dhaantadani ka horeysay muddo laba sanno ah wakhtiga la soo geliyey oo ku beegnaa sannadkii 2013-kii.

HADDABA, DAAWADAYAAL HOOS NAGALA DAAWADA OO WALIBA NALA QIIMEEYA Aragtida iyo Fekerka aanu ku cabbirnay Darajada Muuqaalka iyo muddada kooban ee fannaanaddu ku heshay tirada daawashada intaas le’eg wakhti kooban.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKAN