Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo Cambaareeyey Natiijo ka soo baxday Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE

Hargeysa, 16 April, 2012 (SLpost)- isbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa si weyn u cambaareeyey dhacdo shalay ka dhacday gunaanadka shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE kaas oo xil-ka-xayuubin lagu sameeyey Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ahaa guddoomiyeenkii labaad ee Xisbigaas.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UCID isla markaana ah Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbigaas Md. Aadan Jaamac Hoorri aya lagu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ka mid ahaa raggii seeska u taagay xisbiga KULMIYE isla markaana tallaabada lagula kacay aanay ahayn mid ku haboon. Waxa kale oo lagu xusay in xisbiga UCID  aaminsan yahay in masuulkaas xilka laga qaadi Karin maadaama sida ay sheegeen shirweyne lagu doortay.

Warsaxaafadeedkaas ayaa udhignaa sidan:

“Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, wuxuu cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee ka dhacay kalfadhigii saddexaad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagula kacay gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Xisbiga KULMIYE  Md, C/raxmaan C/qaadir.

Run ahaantii haddii abaal lagudayo wuxuu ahaa nin u soo halgamay Xisbiga KULMIYE iyo jiritaanka Somalilanba una huray naftiisa iyo hantidiisaba, hasayeeshee loogu abaal guday ka xayuubin xilkii uu ka hayay hogaanka sare ee Xisbiga.

Xisbi ahaan waxaanu u aragnaa in masuulkan Shirweyne lagu doortay isla markaa Shirweynana lagaga qaadi karo Xilka, arintani waxay dhaawacaysaa Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa iyo ta Somalilandba.”

SLpost News/Hargeysa