Xeerkii Ka Hortagga Argagixisada Mareykanka Oo Xilligiisii Dhamaaday

USAWashington, (SLpost)- Waxa soo gabo-gaboobay dood galinkii dambe ee Axadda ka bilaabantay Congress-ka Maraykanka oo lagu lafo-gurayay  xeerka ka hortaga argagixisada ee loo yaqaano Patriotic Act oo dalka Mareykanka laga hirgaliyay  wixii ka dambeeyay weeraraadii 11 September 2001-dii lagu qaaday dalka Mareykanka.

xeerkaasi oo hay’addaha Sirdoonka Mareykanka siiyay awood badan oo ay ku dhegaystaan telephone-nada, isla markaana ay ku ogaan karaan macluumaadka gaarka ah ee  internetka lagu adeegsado ayaa haatan xilligiisii dhamaaday, waxaanu ku ekaa 12-kii habeenimo xilliga Washington.

Somalilandpost.net