Xeer-ilaaliyaha Guud ma Gudd. Guddida Caddaaladdaa, Qareennaduna ma Gar-soorayaal baa? – W/Q. Garyaqaan Muuse Yuusuf

Garyaqaan Muuse

[X]eer ilaaliyaha guud ee qaranku wuxuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay go’aan aanu lahayn awooddiisa waxa uu xeer-ilaaliyuhu si qaawan oo ka arradan sharciga u weeraray qareennada difaacayay Boqor Buur-Madow isagoo oo u warramaya HCTV waxa uu gaadhay go’aammo aanu awooddooda lahayn isaga oo qareennadaas u maray waddada lagu anshax mariyo gar-sooreyaasha. Ka darane wuxuu adeegsaday awoodda

guddoomiyaha guddida Caddaaladda oo leh awoodda isugu yeedhidda guddida Caddaaladda, halka uu illaabay inuu isagu yahay kii dacwadda ku oogi lahaa haddii ay qareennadu ahaan lahayeen garsoorayaal. Waa yaabe wuxuu yidhi “Waxay siyaasadeeyeen kiiska Buur-Madow.”

Haddaba waxaa isweydiin leh xeer ilaaliyuhu ma isagaa siyaasadeeyay oo saxaafada ka hadlay mise qareennada, Ka sii daryee haddii uu xeer ilaaliyuhu yeelan lahaa awooda isugu yedhida gudida Caddaaladda oo ay garsooreyaal ahaan lahaayeen qareenadu ma wuxuu fadhiga gudida ka iclaamin lahaa saxaafada sidan uu imikaba yeelay waxaas oo dhami waa aradnida sharci ee dultaala xeer-ilaaliyaha guud. Waxas oo dhamina waxay ka marag furayaan weedhihii uu warqadii xil ka qaaditiisa xeer-ilaaliyaha ee uu Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ugu sii lifaaqay xilligaas.

Haddaan ku dhaafo taas Kiiska Buur-Madow waxa uu ka socdaa dhagaysigiisu maxkamada waxaanu marayaa marxalad garsoor hadana waxa uu wasiirka madaxtooyadu ka yidhi waa danbiile qaran taas oo ka dhigaysa danbiile kana saaraysa eedaysane nimadii, muxuu xeer ilaaliyuhu taas uga hadli waayay inta uu isku qaadayo shaqo aan loo diran oo u taala garsooraha dacwada haya. Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Gudida Caddaaladda in ay ka fiirsadaan hadaladooda iyo ficiladooda oo ay qabtaan kooda darjiidha oo ay kala yaqaanan shaqada ay umada u hayaan iyo sida ay awoodahooda uqayb san yihiin si aanay u dhicin waxan oo kale.

Garyaqaan Muuse Yuusuf Maxamed – Hargeysa.