Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Oo Ka Warbixiyay Shir uu Jabuuti kaga qayb-galay oo Maamul-goboleedyada Soomaaliya goob-joog ka ahaayeen

Xeer IlaaliyeHargeysa (SLpost)- Xeer ilaaliyaha guud ee  Somaliland    Axmed  Xasan  Aadan,  ayaa ka  xog-waramay  shir uu dhawaan kaga qayb galay dalka jamhuuriyadda Jabuuti, shirkaasi oo lagaga hadlayay  arrimaha Budhcad-badeedda iyo sidii looga hor tegi lahaa iyo sidoo kale dembiyadda ka dhaca Badaha.

Shirkan oo ay wada-jir u qaban-qaabiyeen Wasaaradda Cadaaladda Jabuuti iyo haya’dda Midowga Yurub u qaabilsan la-dagaalanka Budhcad-badeedda EUCAP Nestor oo 15-kii ilaa 16-kii bisha socday magaalada Jabuuti, waxa sidoo kale ka qayb-galay Xeer-ilaaliyaal ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Galmudug, sida lagu sheegay war-saxaafadeed shalay laga soo saaray gunaanadkii shirkaas.

Axmed  Xasan  Aadan,   oo maanta warbaahinta  dawladda ugu waramayay  magaaladda Hargaysa,  waxa uu sheegay in Somaliland ay ku tagtay shirkaasi marti qaad rasmi ah oo ay ka heshay  dawladihii soo qaban qaabiyay, waxaanu tilmaamay in shirkaasi lagu soo qaaday kiisas kala duwan oo dhinaca budhcad-badeedda ah oo ka dhacay meelo ay badda Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaanu sheegay Axmed Xasan, in Somaliland si weyn loogu amaanay ka hortegista  weeraradda Budhcad-badeedda iyadoo shirkaasina lagu soo bandhigay Filim ka hadlayay kiisaskii budhcadbadeedda eek a dhacay calamka kuwa ugu muhiimsanaa  iyo kuwo ka dhacay biyaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, oo arrimahaasi ka waramayayna waxa uu yidhi “Shirkaasi  waxaanu ka faa’iidnay oo falanqayn  lagu sameeyay    kiisas waa weyn, ama heer caalami ah,  sida kuwo ka  dhacay  Baddaaha.  Markaa  si loo soo arko  wixii  dhacay,  kadibna go’aan looga  gaadho iyo maxkamad   ayaa laga dhiganayey tusaale.  Sida  dad laga dhigayay  budhcad-badeed oo  la qabanayo.   markhaatiyaal  ayaa laga dhigay nimankii  Jarmalka ahaa ee markabka korkiisa saarnaa, markaa kiisaska la qaatay ayaanu cid walba   kaga horumarnay,  oo waxa uu noqday kiis Somaliland lagu metalayo.

Waxaanu intaasi ku daray “Kiisaskaasina waxaa  laga dhigay kiiska keliya ee lagu qaadan karo tusaale ee ladabikhi karo.  markaa maxkamadaheena oo kale inamada na raacay waxay ahaayeen inamo xeer ilaalinta oo waliba waxay ahaayeen nimankii  jaamacadaha intay ka soo baxeen tababarka fiican soo qaatay.  runtii amaan aad u balaadhan ayaa loo soo jeediyey,  oo midba meel ka qayb galay,  mid dhanaca difaaca looyariskooda ah,  midna dhinaca dacwad oogista, anniga  iyo raggii  kale waxaanu iska dhigaynay markaa gar-sooreyaal.  Markaa  xeerka la dabakhayey waa xeerka Somaliland” ayuu yidhi Axmed Xasan.

 Xasan Axmed Aadan,  isaga oo  hadalkiisa sii  watay  ayaa ka warbixiyey faa’iidadda  Somaliland shirkani  ugu jirtay  kaasi oo ahaa mid heer caalami  ah, iyadoo  tusaale loo soo qaatay  sharciyada dhinaca badaha ee ay Somaliland diyaarisay iyo sida ay diyaarka ugu   tahay inay waajahdo budhcad-badeedda.

 “Waxaanu nahay dawlad dhisan oo dastuurkeeda shaqaynaya , in xafiiskeena xeeer ilaalinta uu shaqaynayo oo ka lagu casuumay uu ahaa isaga, markaa system-ka oo dhan wuu noo dhisan yahay, in dawlad gaara oo qarana oo dhamays tiran baynu nahay oo fikrad bay dadkii kala tagayaan”.

HSida lagu sheegay Warsaxaafadeed ay shalay soo saa

Somalilandpost.net