Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Weerarkii Xeebta Liida Lagu Qaaday

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay weerarkii maleeshiyada Al-Shabaab ay xalay ku qaadeen xeebta Liido, oo lagu dilay ugu yaraan 20 qof.

Hadal qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayuu madaxweyen Xasan Sheekh ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed uu u dhaqaaqey inay nabad iyo barwaaqo ku noolaadaan, iyagoo dhinac iska dhigaya waayihii mugdiga ahaa ee ay soo mareen.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay doorbideen inay beegsadaan carruur, haween, iyo dad shacab ah oo ku nasanayey makhaayadaha, taasina ay caddeyn u tahay “In argagixisada iyagoo naf la caari ah ay doonayaan inay goobaha shacabka u bedelaan goobo dagaal”.

“Dad shacab ah oo daqiiqado ka hor gutey waajibaadka salaadda ayay ahaayeen, kuwaas oo halkaasi ku nasanayey, kadib toddobaad dheer oo ay qaranka u adeegayeen. Meelna ugama jirto diinteena Islaamka ee saliimka ah in shacab la xasuuqo’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinac kalena bogaadiyey “Sidii degdegga ahayd ee Ciidammada Qalabka Sida ay uga jawaabeen weerarka Al-Shabaab”.