Xasan Sheekh Maxamuud oo Mar Kale la Wareegay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha ay dhawaan doorteen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Munaasibad ku qabsoontay madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa labada madaxweyne si rasmi ah xilka isugu wareejiyeen, isagoo madaxweynihii hore Maxamed Cabdilaahi Farmaajo halkaas ku wareejiyey Documents uu hore ula wareegay iyo qaar cusub oo ku saabsan wax-qabadkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahad-celiyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya muddo Afar sanno iyo dheeraad uu xilka hayey, waxaanu halkaas ku ballan-qaaday inuu isaguna ammaannada ku wareejin doono marka ay xilligeeda gaadho.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa isugu soo hadhay wareeggii 3aad ee Doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo 15-kii May 2022 ku qabsoomay Xerada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, waxaanay guushu raacday oo xildhibaannadu codkooda siiyeen Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 214 Cod oo ka mid ah 334 xildhibaan ee labada Aqal baarlamaan ee Soomaaliya, halka Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ka helay 110 Cod.

Tartanka Dhexmaray labada siyaasi ayaa noqonaya markii labaad ee ay tartameen xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale markii labaad ee ay xilka isku-wareejiyaan.

Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa sidan oo kale xilka ugala wareegay Xasan Sheekh Maxamuud doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee sannadkii 2017-kii, kaddib markii uu codadkii u badnaa ee mudaneyaasha baarlamaanka ku guulaystay Maxamed Cabdilaahi Farnaajo oo wareeggii saddexaad ee Doorashada ay isugu hadheen Xasan Sheekh Maxamuud oo markii dambe u tanaasulay Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka madaxweynaha Soomaaliya loogu doortay sannadkii 2012-kii, xilligaas oo uu xilka kala wareegay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii nidaamka dowladnimada ku-meel-gaadhka ah ka saaray Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud oo noqonaya Madaxweynihii 10aad ee Soomaaliya, ayaa taariikhda ku galay siyaasigii u horreeyey taariikhda dowladnimada Soomaaliya ee laba Jeer loo doorto xilka madaxweynaha tan iyo markii dalkaasi xornimada ka qaatay guumaystihii Talyaaniga sannadkii 1960-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net