Xaqiiqada Xasuuqii Xeebta Jaziira

“Waa Nuqul ka mida Buuga Dhacdooyinka Somaliland ugu Xasuusta badan oo dhawaan soo bixi doona insha allah”

17/07/1989, waa maalin ku suntan xasuuq loo gaysanayay Ummad aan waxba galabsan, Waa maalin ku suntan damac ahaa in Ummadd dhan ama Isir dhan laga tirtiro aduunka korkiisa, waa maalin aan waxba loola hadhin oo seefta galka looga saaray sidii Qabiil dhan loo Tirtiri lahaa, maxay galabsadeen, maxaa loo xasuuqayaa, maxaa kalidood loo tilmaansanayaa, damiirka qof walba oo Bini’aadmi ah way ku adag tahay xasuusta habeenkaas uu falkani dhacay, waxa la dilay 46 rag ah, Alle mahadii waxa badbaaday hal qof, Indhaha ilmo ayaa ku soo istaagaysa, mar nacayb iyo xumaati ayaa naftaada soo galaysa, qof waliba way ku adag tahay xataa kuwa ay isku cida yihiin ragii falkani fuliyay, qofka bini’aadmiga ah waxyaabaha qaar maskaxdiisa kama dhaadhacayso, Diyaarad ayaa Garoonkooda ka kacday hadana dib u xasuuqaysay, Dhalinyaro ayaa dhagax tuur samaysay Dil toogasho ayaa lagu xukumay, Dad aan waxba galabsan ayaa la iskaga xasuuqay Muqdisho, waa side, dadkani maxay galabsadeen, ma ha hadlina ayay ahayd u jeedadu oo aayaha nolshiina haka hadlina, maxaa dadkii falalkan gaystay iyo tacadiyadan loo hor keeni wayay maxkamad, waa sidee dadkii ay eheladoodu ku dhimatay Xasuuqan iyo dhibaatooyinkii ay gaysteen Siyaad Barre iyo askartisii, Anigoo 21 jir ah ayaa ka hadhi wayay taariikhdan oo baadi goob u galay maalin Tv tag, Maalin Jaraaidka, Maalin Website ka dul fadhi si aan u helo Xog Sugan oo ku sahabsan Dhibaatooyinkii ay Ummadda Somaliland u Gaysteen Siyaad Barre iyo kuwii maamulka la wadaagayay.

 yanan waxba qoraalka idinku daalin ila arka xaqiiqada iyo siday wax u dhaceen.

xasuuqii xeebta Jaziira 17 July 1989-kii lagu fuliyay 47-nin oo isugu jira arday dusiyada, ardayda Jaamacadaha, shaqaale, dhakhaatiir, aqoonyahano, ganacsato iyo odayaal, dadkaas oo dhamaantood isir ahaan ka soo jeeda Beelaha Isaaq, ayaa habeenkii 17 julay ee sanadkaasi magaalada Muqdisho iyagoo ku sugan guryaha ay deganaayeen ka soo ururiyeen ciidamo ay wateen saraakiil ka amar qaadanayay Maslax Maxamed Siyaad Barre, islamarkaana dadkaasi oo hurday xaafadahooda si toosa inta baabuurta ciidamada lagu guray la geeyay xeebta Jasiira, ka dibna inta la isku xidhxidhay rasaasta Qoriga loo yaqaan Baroonka lagu xasuuqay, balse waxa ka badbaaday dhacdadaasi oo aan rasaastu ku dhicin Cumar Muuse oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isaga oo arrintaasi siday u dhacday ka waramayana waxa ka mid ahaa hadalkiisa “Waxa naloo qaaday meel aan ka fogeyn guriga oo ilaa 30 talaabo u jirtay, halkaasi oo ay joogeen ciidamo kale oo koofiyad cas ah, kuwaas oo ku wareegsanaa dad kale oo meesha lagu soo ururiyey, waxan markaa arkayey 3 gaadhi oo meesha taagnaa, kuwaasi oo kala ahaa: 2 gawaadhida xamuulka ah ee Paggazi loo yaqaan, iyo midkale oo Toyota ah kaasoo uu saaran yahay qori Baroonka ah” .

Cumar waxa uu intaas ku daray in loo qaaday dhanka badda oo ka dib markii la geeyay xeebta jasiira koox koox la isugu xidhay ka dibna si arxan daro ah rasaas loogu furay. Cumar oo sharaxaad ka bixinaya sidii wax u dhaceen ayaa wuxuu yidhi “Waxa amar nalagu siiyey in aanu fadhiisano, kadib koox koox ayaa nalooga daadajiyey carada tuulan korkeeda, iyadoo shan shan naloo wadayo oo nala geynayo meel buurta hoosteeda ah. Waxan dareenay in nala laynayo, hase yeeshee maanaan maqal wax dhawaaq ah. Waxan bilownay xam xam, qaarkayo ayaa ducaysanaya, qaar waa ashahaadanayaan ‘Laa Ilaaha illaLaahu, Muxamadan Rasuulullahi ‘Laa Ilaaha illaLaah “Si isdabajoog ah ayaa naloogu cagajuglayanayey, waxan maqlay rasaas. Waxa dadka ku jiray Xasan Nuur Baaruud oon ka gartay. Waxan ahaa qofkii ugu dambeeyey shantii qof ee ugu dambeeysey ee loo qaado buurta dhaadhaceeda. Waxa nala fadhiisiyey meel ku beegan dhaadhaca iyadoo si isdabajoog ah naloo safay madaxayaguna lugahayaga dhexdood ku jiro. Mid ka mida askartii ayaa amarka bixiyey isagoo leh: Maxaad qabanaysaa oo aad sugaysaa? Fur rasaasta.

“Qaylo, oohin iyo humhum sakaraad ayaa la isku daray. Laabta ayaan dhulka saaray anigoo ateero ku jira ilaa intii rasaastu socotay. Hal xabo ayaa iga qabsatay meel ka hoosaysa garabkayga bidix. Cabbaar kadib ayey rasaastii joogsatay, askartii waxay gudogaleen inay dadkii eegaan si ay u hubiyaan in dhamaantood naftu ka baxday. Qofkii sii nool shan xabo ayey laabta kaga dhufanayeen si ay qudha uga qaadaan. Kadib waxay bilaabeen inay gacmahooda maydka ku aasaan. Dhiig badan ayaa igu qubtay oo badhkii ahaa dhiig aniga iga daatay badhkiina dadka igu dul daatay dhiigoodii yahay. Waan gariirayey tiiyoo naxdin, argagax iyo cabsi badan igu wada kulmeen. Askari baa i arkay markaasuu qayliyey oo uu yidhi, kani waa nool yahay, ka dib Mid kale oo ag-joogay ayaa yidhi, waar ma noolee nafta ayaa xarbiyeysa, gariirkii sakaraadka weeyaane inaga keen, ciid baa la igu rogrogay, si fiicana iimay aasin waayo wey degdegsanaayeen”

Cumar oo wakhtigaa da’diisu 25 jir ahaa waxna ka baranayay magaalada Muqdisho, waxaanu ka mid ahaa 47 kaas ruux ee ay askartii faqashtu ku xasuuqeen xeebta jasiira, nasiib wanaagse uu isaga Illaahay ka badbaadiyay inkastoo gabi ahaanba intiii kale xataa raqdooda aan cid la tusin.

Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xassan waxa uu ahaa waryihii ugu horeyay ee baahiya dhacdadani isagoo Muqdisho ku sugnaa wakhtigaas, isagoo arinkaaso ka hadlaaya waraysi uu siyay Television ka caalamiga ah ee Horn Cable Tv waxa uu yidhi…”Horta wakhtigaasi waxa uu ahaa wakhti rajimkii Milataryga ee uu madaxda u ahaaa Maxamed Siyaad Barre uu soo kordhiyay cadaadiskii uu guud ahaan ummadda ku hayay siiba dadka Somaliland khaasatan ka yimid, markaa dadka waxa lagu dilayay oo lagu magayay inay SNM oo markaa dagaalkeedu meel sare marayay inay cawinayaan oo tagerayaan, markaa sidaad maqasheen dad aan waxba galabsan ayaa Siyaad Barre iyo Rag la shaqaynayay waxay isla garteen in cabsi dheraad ah la saaro si ay dadkaasi u qadaan in wax nin Ruushka madax ka ahaan jiray uu samayn jiray la sameeyo, oo waa maxay in dadka cabsi xoog ah si ay u qadaan lagu dhaqaaqo arin xoog ah oo xasuuq ah, dabcan sidaad maqasheen iyakoo hurda habeenimadii saqdii dhexe ayaa laga soo uruuriyay guryahoodii markii la ogaaday inay yihiin dad u dhashay Somaliland, dadkaasi waxay isugu jireen dad dhalinyaro ah, dad baayac mushtari ah, dad iska caadi ah, markaas sidaad ka warhaysaan waxa la geeyay Jasiirada Jaziira markaa ninbaa soo gurguurtayoo dirqi kaga soo baxay waxayna ahayeen 47 Qof, markaa ninkaa ayaa magaalada warka soo galiyay, anigu markaa waxa aan joogaa magaalada Muqdisho waxa aan u shaqeeya BBC-da, waxa aan u imid in Rajiimkaa sii dhacaaya oo wararka ka imanayaa aad xiiso u lahayeen ayaan reporter ka ahaa, markaa waxa aan magaaada Muqdisho ka diray warar faro badan oo ku sahabsanaa mudaharaadki ka dhacay Uuriiye, ee ciidamadii Siyaad Barre ee koofiyad casta ahaa ay rasaas ku fureen dadki shicibka ahaa, masaajidkii ku yaalay xaafada k-Mubaarik ay galeen ee ay rasaastii ku toogteen dad masaajidka ka soo baxay markaa markii horeba waa lay doonayay oo Security ga ayaa I radinayay ana kolba meel ayaan kaga baxsanayay oo kolba aqal ayaan sexanayay markaa markii u danbaysay ayaa nin habeen ii yimid oo reer Somaliland ah, wuxuu igu yidhi ma maqashay dad reer Somaliland ah inta aqaladii lagala soo baxay ayaa la layay,waar ma hubtaa? Haa, imisa ayay ahayeen? 47 Qof ayay ahayeen, markaa markad warka hesho waa inaad sii xaqijisaa, intaan habeenadii kale meel kale seexday ayaan dadkaan garnayay telephone u diray warka intii maqashay ayaa kolba Isii dhibayay, markii danbe waxa aan ogaaday in arintu xaqiiqo tahay, halkii waxa ay noqotay in anigoo markii horeba donayay inaan wadanka ka soo baxo ayaa waxa la ogaaday in hadii aan baxo ay suurtoobi karto in aduunyadu ogaato, aduunyaduna markaa warkan ma oga, maalintii dayuurad aroor nasiib wanaag soo baxaysay ayaa dad reer Somaliland ah oo aanu asxaab nahay ka shaqeyeen in aan ilow iyo ilowba dayuuradaas raaco markaa aniguna waxa aan doonayaa in aan warkaas dibada ula baxo, markaa dabcan waraaq kumaan qorin warkan sago sidii laygu waramay ah ayaan maskaxdayda ku qaaday, markaa diyaaradii malintaas baxaysay oo u baxaysay magaalada German ee Frankfurt aan raacay anoo sita shaadh iyo surwaal kaliya, Frankfurt markaan joogo ayan BBC-da la hadlay, ileen waxay radinaysaa warkani , waxay ka radinaysaa Nairobi iyo diblomaasiyiinta joogay iyo safiirkii England ee oo jogay Muqdisho, lakiin warkan in kamid ah Maraykanka ayaa helay, BBC-du waxay igu yidhahdeen diyaarada ugu horaysa soo raac hada, gaadhiba igu sugayay garoonka London sidaad u soo socoto kaalay Studio ha BBC-da, markaa ayaan London imid gadhigi BBC-da soo raacay ayaan darta Bush House imid iyadoo ay igu sugayaan waaxyaha dhan ee BBC-du Soomaaligii, Sawaaxiligii, Carabigii, Englishkii iyo dhaamaan ayaan imid,markaa waxa ku jira barnaamijka la yidhaa 24Hrs, waxa laygu yidhi warkani waa war muhiim ah gal Studio ha, halkiiba laygu waraystay, warkii hore waxa uu ku baxayaa af-English warkii danbena markay gaadhay 5:00Pm ayaan ka waramay wixii dhacay, markaa dadkii Muqdisho ama Xamar joogay waxa ay moodayeen wali inaan Muqdisho joogo oo warar sidaa u eeg ayaan ka diri jiray lakiin sidaas ayaan ku soo baxay, horta waxa aad ogataan in Siyaad Barre wakhtigaas ay taladii ka baaba’aday wuxuu arkay in SNM tu manta laga yaabo inay guulaysato oo ma aragtay ay Somaliland Gooni u go’odo, markaa si kasta oo uu cidhiidhi ugu hayay Somaliland waxa ay tani ahayd ha quustaan tani oo marka aad dadka layso SNM halkaas haku quustaan oo halgankoodu halkaas ku dhamaado,markaa Alxamdulilaah ma dhamaan,isaguna waxa uu ka danbeyay waatad ogaydeen, aniguna waxa aan is leyahay waxyaabihii riday Rajiimka Maxamed Siyaad Barre inay kamid ahayeen taladaa uu qaatay ee dadkaa uu layay ee aduunka oo dhami ka argagaxay malintaasa dadkii is lahaa woxoogay ha sii joogo oo maraykanku ka mid ahaa oo England ka mid ahayd oo Yurubta kae ka mid tahay la yidhi maya, waa gacan ku dhiigle waa digtaytar waa in culays la saara”.

Dareenka Eheladdii Dadkii La Xasuuqay

Xasan Maxamuud Cabdi (Mataan), dhacdadni waxay dhacday 17/07/1989-kii habeenkay 18 ku soo galaysay, markaa dhamaan xafadayadu waxa ay daganayd magaalada Muqdisho gaar ahaan dagmada Madiina xaafada Buulixuubay,waxayna kala ahayeen sidan,….Maxamed maxamuud cabdi, Cabdi Maxamuud Cabdi, Jaamac Maxamuu Cabdi, Cali Maxamuud Cabdi, iyo afar nin oo aanu ilmadeer ahayn, Cabdiraxmaan Muxumed  Daauud, Cabdi Maxamed Xasan iyo inan uu dhalay oo aan adeer u ahaa anigu Maxamed xasan Cabdi oo isaguna ragas ku jiray, Ibraahim Xasan Cige, iyo nin aanu ilmaabti ahayn oo Edaday dhashay oo la odhan jiray Mataan Cabdi Xabashi intaasba gurigaayaga ayaa lagala baxay Saqaalkoodaba, habeenkaas anigu magaalada waan ka baxay oo Afgooye aayn u baxay oo muqdisho xagaa konfur ka xigta 35Km oo aan baabuur aanu lahayn oo halkaas ku cadilnaa aan ka soo kaxaynayay, aroorti markaan imidna ragba ugu man iman xafadii, ragaasi waxa lala baxay ilaa 2:30 kii habeenimo, rag labisan iyo Brown oo oo kuwii dharcastu ku ilaalin jireen madxtooyada ayaa banaanka tagnaa, dadka waa la soo toosiyay, markaa wax ku jray nin aanu ilmader ahayn oo gaadhi la dhacay oo dhaawax ahaa xataa ninkii kamay tagin, manta oo ay ka soo wareegtay 21 Sanno manan helin cid nagu tageerta in aanu danbilayaashas farta ku fiiqno oo wax laga qabto,waayo dawladii wakhtigaas jirtay may samaynin in wax laga qabto xataa askari dab le ah iska daa sarkaal iyo kornayl in kiiskaas loo xidho lahaa waxanu odhan lahayn waxani dawladu way ka baxsan tahay oo inamo yar yari oo kornayl reer kaliyii sameyeen ayaan odhan lahayn, dawladii ay cadaadis saarto inaan raadkii la helin oo meeshi la ilaaliyo oo askar la geeyo, markaa caalamka iyo dawladayada Somaliland waxa aanu ka filaynaa in arinnkaas aan lagu koobin uun meel.

Gabogabadii, runta marka laga hadlo xasuuqan waxa amray oo ku taliyay in la fuliyo ragii hogaanka u hayay Wasaarada Gaashandhiga iyo Ciidamada, ha ugu Horeeyo Maslax Siyaad Barre, lama ilaawi karo lamina cafin karo qofka isku dayay in uu ummadd dhan aduunka ka tirtiro isagoo maalinba qayb dilaaya, waxa ay u muuqata un SNM iyo shicibku inay iskaga khaldameen lakiin laba ayay kala ahayeen SNM na mawqifkeedu wuu cadaa, waxan Codsan lahaa in ragii falkan gaystay Maxkamad la soo taago oo cadaalada la mariyo, ha ahaato Dawladda Somaliland inay baadi doonto ama ururada xuquuqal insaanka ama haayadaha aan dawliga ahayn ee arimaha bulshada, Danbiile waa danbiile maaha qabiil mana aha qaran, waxan maqaalkaygan ku soo xidhayaa marka aniga oo 21 jir ah iyo dhalinyarada kale ee ila mid ka ahi ay maqlaan xasuuqan iyo kii ay gaysatay diyaaradii hargeisa ka duulaysay ee hadana dib u duqaynaysay waxa ay is waydinayaan su’aalo badan, waxaba ugu daran marka la yidhaa Somaliland iyo Somalia ayaa dib u midoobaaya taas oo aan u arko hadii 10 ama 15 sanno oo danbe la sii joogo iyadoo Somaliland Goonideedaas u taagan tahay ayna waligeedna suuro gal noqon donin in labadaas dal dib u midobaan, waayo, Somalia waxa aan ka aminsanahay dadna xasuuqay oo xaqii aanu lahayn na dafiray aqoon intaas dhafsiisan uma lihin, lakiin Somaliland waa aanu ku barbaarnay in la yidhaa dal kale aya lagu darayaa waa wax afka laga yidhi lakiin ficliyan u adag.

Illahay waxan ka baryaayaa inuu fudaydiyo in Maxkamad cadaalad ah la hor keeno cid walba oo xasuuq gaysatay.

Insha allah waxan dhawaan soo saari doona badhitaan aan ku sameyay dhibaatooyinkii ay bulshada rayidka ah u gaysteen dawladii kacaanka ahayd ee siyaad barre.

Qoraa Mukhtaar Cabdi Sheekh Bulshaawi

Mukho4me@hotmail.com