Xaq iyo Xilla Haween Soomaalaa Taqaan

Xuquuqda Sawirka: Google

Xuquuqda Sawirka: Google

Soomaalida waxa lagu sheegaa dhaqan qalafsanaan dhinaca dumarka ah iyo in dhaqankoodu ku dabo leeyahay yasid haween. Riwaayado badan iyo qormooyin badan waxa lagu muujiyaa in ay xataa garaaci jireen sida adoonta. Waxa aad arkaysa iyadoo la muujinaayo gabadha oo uur leh amma xaamilo sadkeedii wax yar ka hadhsan yahay, haddana hawl adag loo diraayo halkay ahayd in ay nasato oo ay ilaaliso nafteeda iyo nafta ku lammaan ee ay sido.

Waxa da’ yar badan oo haween ah ku doodaan marka ay dood wadaaga la yihiin ragga; waqtigan maaha waqtigii aad na garaaci jirteen, jahliguna na dulaystay. Haa, aqoon darro way jirtay oo rag iyo dumarba aqoon lama lahayn, noloshu sidan way ka gedisanayd, dawlad iyo nidaam la hoos galaa muujirin aan ka ahayn xeer dhaqameed iyo oday dhaqameed talada uu gooya ku dhisnayd dhaqanka iyo caqliga halkaas ka jira oo ahaa kii ugu fiicna waqtigaas.

Waayadii hore wax ay nolosha miyigu ku dhisnayd qarfe iyo adkaysi, waxa dadku maraayeen oo ay ku sugnaayeen xilliyo kala gedisan; abaar dheeraata oo waxyeeladeeda leh, gu dheeraada oo nimcadiisa iyo waxyeeladiisa wata, jilaal, xagaa iyo dayr. Raggu waxa uu ku eeka masuuliyada guriga iyo wixii aan haween qaban karin, haweenku waxa ka shaqaynaayeen shaqo xirfadooda ah oo aan raggu masuuliyadeeda qaadi karin sida guriga qruxintiisa, caws gurida, xannaanaynta adhiga, ubadka iyo ragga. Hawshu way u kala qaybsanayd, raaxo iyo dhibaataba waa la wada arkaayey.

Guurku sida uu maraaxil u soo maray ee uu haddaba sidii hore uga gedisan yahay, isuna beddelaayo waqtiba waqti, waxa uu hilaadihii hore ee dhaqanku shaqaynaayey uu ahaa mid la jaanqaadaayey waqtigiisa, waayo sida hadda ay colaada u u keenan dhulka, dhaqaalaha, tiknoolajiyada ayaa haweenka, xoolaha, baadka iyo biyahaba la isugu dilaayey, wax qiimo lehna u ahaayeen.

Yaan idin leexin ee ila socda; Haddase u fiirso oo sida Soomaalidu haweenka u ammaanto dhaqannada dunidu uma ammaanaan oo xaqa la siiyey ee quruxdooda iyo qiimaha ay u qalmaan loogu sheegay suugaanta kama heli karaan reer galbeed, reer bari iyo eeshiyaanka qaybo badan oo ka mid ah ba.

Bal niyada sii oo in yar fikir adigoo maanka iyo maskaxyarta ka fikiraya, wixii aad sugaan haysa ee ammaanta dumarkana dhuux. Bal aniga hort aila eeg ammaanta Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” eek u suntan Maansadiisa Amal ee uu haweenka uu ku tilmaamay udugooda, quruxdooda iyo iftiinkoodaba:

Geed beer udgoon iyo

Ku dhex-yaal ugbaadoo

Ubax iyo man fuulaay

Ulihii madheedhkee

Iimey ku yaalliyo

Ilo wada xareedoo

Nafta lagu illaawaay

Dayaxoo iftiimoo

Arladoo dhan gadhoo

Afar iyo tobnaadaay

Qorraxdoo aroortii

Dhulka soo abbaartoo

Sagal iid dhex joogtaay

Waxaad tahay adduunyada

Dhexda udubka haystoo

Xejiyoo adkeeyoo

Af-gobaadsan maayoo

Qurux lama amaahdee

Ashkir geenyo ugubey

Haddaad leedahay haweenay kaliyuu u heesaayey hooyada laftarkeeda iyo qiimaheeda Hadraawi uu u curiyey, waliba ogow oo xaqa uu siiyey waxa ay noqonaysa in aan adduunyadan la’aanteed aanay jirteen, haddii ay jiri lahaydna horumar lama gadheen, geesi ma dhasheen, cidna nolosha kuma diirsateen, hadda bal eeg oo haddii aad ka hesho xaqa maalinta hooyada lagu asteeyey heestan oo kaliya dood ka keen;

Hooyooy la’aantaa

Aduunyadu hubaashii

Habeen kama baxdeenoo

Iftin lama heleenoo

Dadku uma hayaameen

Xiddig hawd ka lulatoo

Sida haad ma fuuleen

Dayax heego joogoo

Hubka laguma tureen

Hawo laguma gaadheen

Cirka hirar ka muuqdoo. Wiil Waal oo Soomaalida hoggaamiyayaal dhaqameedkeeda kuwa ugu adag ahaa, raggunaka biqi jireen, geesinimo kaga biqi jireen, inuu boqol kurka ka jarona aanay waxba la ahayn naxariisna aan u hayn, waxa xikmadiisa laga hayaa sheeko hal-xidhaale noqotay; rag ka mid ah odayaal degaankiisa ah ayaa damcay in ay arrin ula tageen, balse isagoo hurda ayey u tageen waxa la isku qabtay ninkii toosin lahaa Wiilwaal oo hurda, cabsi iyo maagid badan kadib, nin baa xiniinyaha is qabtay oo ku yidhi aniga toosin, balse lala yaab oo raggii dib u wada guray. Waxa uu u tegay xaaskiisii yarayd oo uu bal ka codsaday inay u soo toosiso. Raggii oo ag taagan odaygii Wiilwaal ee ay ka baqayeen ayey laad qaaday oo ku dhufatay, isla bood, kuna hambabar ragga dul taagan. Raggii hoostay ka xanshaashaqeen oo ay la yaabeen ninka ay sidan uga cabsadaan iyo gabadhu sida lugta ay ugu toosisay. Waliba dhaqanka Soomaalida in lagu lagugu taabta waa meel adag.

 

Wiil waal waxa uu arkay raggu sida ay isula xanshaashaqayaan, kadib waxa uu waydiiyey waxa dhacay, waxa ay waydiiyeen gabadhiisu waxay lugta ugu quudhay, kadib wuxuu ugu jawaabay xikmadii diiwaanka taarikhda Soomaalida gashay ee ahayd; “Waar waxa aan ku qabo idinkuma qabee iska socda.”Hadda, ragga Soomaalida waxa ay aaminsan yihiin in aan dunidan jirteen haween la’aan, waqti aan la sheekaystay qolada saan-cadaalaha aan u naqaanay oon waydiiyey xaqa ay siiyeen waxa uu sheegay in haweenku xaq ragga la mid ah leeyahay, balse aaminaadoodu tahay in ay adduunka u siman yihiin, halka ragga Soomaalida ayidsan yihiin in dunidan aanay jirteen la’aantood alla kala fogaa labadu.Alle ha u naxariistee mucaashiq Cilmi-boodhari gabaygiisa Caashaq Haween mar uu cishqiga hayey qiil u samaynaayey waxa uu ku dooday in haweenka la’aantood aanay dunidu jirin oo raggu in ay jecladaan qasab tahay waana kii lahaa;  Caashaqa haween waa horaa Caadil soo rogaye  Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye Carruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e  Geesta kale, dhaqanka Soomaalidu waxa uu ku salaysan yahay diinta islaamka isna xaqa uu haweenka siiyey ee ilaalin, xannaanayn iyo dayreelin ah wuu siiya, ma aan sheegin mid ku gefa oo xaqaas ka talaabsaday, balse hubaal haweenku inagu dheer. Inta haweenka kufsiga u quudhaysa, dilaysa, xumaan iyo axmaqnimada kula kacaysa waxa aan filaya in ay yihiin kuwa aan hagaagsanayn.

 

Ninka qofka dunida keentay, xayawaan inuu noqdo ka du’day, barbaarintiisa iyo geesiga uu ku tamaayo ka dhigtay dib ugu soo noqda kaas magac kale ha loo bixiyo oon ahayn magac rag amma magac qof ee ha lagu daro xayawaanka dad-qaadka ah, kuwaasaba waxyaabaha qaar ka xishoodee. Idinkaan idiin daayey.‘Alle ha u naxariistee Abwaan Gaariye maansadisii ‘Eed Hooyo Laga Galay’ ayaan kaga baxay qormada; Iintii dadkaan ahay.caku inan rageedowwaxa igadh ka beermaaaarankiisa weeyeeooryihiinii kici laaaarankaad ku dubateen.Urugadan i haysiyoagoonkaa sedkii go’ayaanadiinna weeyoouurkaygu waa godobeed hooyo laga galay!!!!.

 

 

W/Q: Ibraahim Khadar Siciid (ibraahimkhs@hotmail.com)