Xaglatoosiye Oo Lafdhuungashay Ku Noqday Cali Khaliif iyo Weedhaha Uu Ku Duray

Buuhoodle (SLpost)-Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-Toosiye ayaa luuqad adag kula haday Cali Khaliif Galaydh isaga oo sheegay in dadka deegaanka uu u diray inuu si nabad ah kaga baxo dhulka Somaliland.

Xaglatoosiya oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi ‘‘Buuhoodle waan joogaa waxaan u imid in aan reer Buuhoodle u sheego oo ku wacyigeliyo in ninkan dabka la wareegaya (cali khaliif) uu si nabad ah uga tago oo ay ka shaqeeyaan inuu si nabad ah uga baxo dalka, arintaa waxgaradka waa ka wada hadalnay waana ku maqan yihiin, waana lama huraan in dadka reer Buuhoodle oo ah dad aad iyo aad u caqli badan ay fahmaan dhibka uu la wareegayo oo ku khasbaan inuu Cali magaalada ka baxo. Somaliland waxay jeceshahay oo aad u qiimaynaysaa in aan dhib iyo colaadi ka dhicin meesha, sababta aan halkan u imidna waa amar Madaxweyne oo ah inaan wax dhib ah ka dhicin magaaladan (Buuhoodle), wasiirku waxa uu intaa raaciyey hadafka cadaawadu ku dheehan tahay ee Cali khaliif iyo xubnaha la socda ee xamar kala yimid ay ku waxyeelaynayaan nabadda Buuhoodle iyo guud ahaanba nabadda Somaliland ‘’Cali Khaliif waxa uu doonayaa in meeshan colaadi ka dhacdo oo dhiig ku daato, taasna aniga iyo dawlada Somaliland iyo shacabka Buuhoodle midna diyaar uma aha, joogitaankayga halkana waxaa ugu muhiimsan in aan kashifno oo aan waxba ka suurtogelin ololaha beenta iyo xaaraanta ah ee uu Cali khaliif halkan ka wado waana sii joogayaa insha allaahu’’.

Dhanka kalena Wasiirka caafimaadku waxa uu tilmaan ka bixiyey xaalada nabadgelyo ee deegaankaasi ku sugan yahay iyo mowqifka Dawlada Somaliland ee ku aadan ilaalinta ammaanka gobolkaasi iyo guud ahaanba dalka waxana isagoo arintaa sharaxaad ka bixinaya wasiirka hadaladiisii ka mid ahaa: ‘‘Buuhoodle nabad baa xiligan ka jirta, colaadii way ka baxeen, Somaliland waxay diyaar u tahay in ay nabadaa koriso, weynayso oo ilaaliso, dhib dambana aanu ka dhicin, laakiin ragga Xamar laga soo diray ee doonaya nabadda Somaliland inay dhaawacaan iyo cidda la shaqaynaysa meel kastaba ha joogtee hadaanu xukuumadda Somaliland nahay midna ka yeeli mayno inay dhib iyo colaad ka abaabulaan Buuhoodle, dadweynaha reer Buuhoodle-na diyaar uma aha inay dib ugu noqdaan colaadii iyo mugdigii’’.