Xagga Berriga Iskaraw! – W/Q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin

Cabdisalaan Yaasiin

Biciid ayaa ayaa il qori ka muday. Inkasta oo ishii xanuun galay, hadana wax buu ka arkayay; oo ta kale ee u bed qabta iyo ta xanuunaysaba aragood ayuu ayda ku dhex joogay oo marna wax ku daaqayay marna cadawga iskaga eegayay.

Muddo markay ka soo wareegtay, ayaa ishi sii bukootay arageedina is dhintay. Ka dibna, dam bay tidhi oo waaba bakhtida. Markii ay musiibadaasi ku habsatay, il keliyina u bed qabta, ayaa biciidki werwer galay. Isaga oo naftiisa la hadlaya ayaa wuxu kuyidhi, “Waa tan oo il beeshay oo labadii indhood mid keliya ayaa kugu soo hadhay. Ayduna way halis badantahay. Laba indhood oo lagu daaq tago halistana layskaga eegona imika ma lihid. Markaa, nafyahay waa inaad tashataa oo aad la timaadaa qorshe aad ku noolaato cabsidana kaga badbaado adiga oo il quda leh.”

Haddii hal cabaar ah arrintii uu rogrogay, ayaa waxa biciidki go’aan ku gaadhay in uu ayda badhtankeeda ka baxo oo uu goodiga ayda ee xagga badda xiga u guuro. Halkaas marka uu tagona uu fuliyo qorshiihii uu dejiyay oo ah: in uu isha u bed qabtan dhinac ayda mariyo, halkaas oo foofkiis yaal, halisina ka iman karto; isha uu beelayna dhinaca badda mariyo, halkaas oo aanu halis badan ka filayn, foofna ka xigin. Qorshihii biciidka wuxu noqday xagga baddu waa amaane; xagga berriga iskaraw!

Qorshihii ayuu fuliyay. Noloshiisina xaaladdii cusbayd ayay la qabsatay. Amaanna waa helay oo werwerkii sida uu il qudha ayda ugu noolaan lahaana waa ka tegay. Yididiiilo iyo degenaansho cusub ayaa naftiisii gashay. Nabad ayuu u daaqay; nabadna wuu u seexday.

Noloshii cusbaydna dhaqan ayay u noqotay biciidkii. Hasa yeeshee, isaga oo noloshiisii cusbayd dhex dekaynay oo wax dakana qabin, ayaa lama filaan dhacay. Dooni dad hubaysani ka jiraan ayaa dhincii badda, ee ishii aanu waxbay ka arkaynini xigtay, ka timi. Biciidkii goodiga daaqayay ayay arkeen, markaasaa helib ugaadheed u muuqday, oo ay rasaas oodda kaga qaadeen.

Biciidkii oo sii dhimanaya, ka dib markii ay rasaasti ku dhacday, ayaa naftiisii ku yidhi, “ Xalkii aan helay, xisaabtaba kumuu darin xabaddan badda!”