Xafiisyada Xukunka Shareecada Islaamka –W/Q: Ceelaabe

Dadka ka cabanaya Cadaalad daro badanaa,Dadka la dulmaayo ama Dulmi ku kacayaa Badanaa,Dadka garsoor iyo Xaq Waayey,Sharciga iyo Xeerarkana loogu Hiilin waayey badanaa,Dhamaanteen Ayaa ka cabanaya Dhibaatada Garsoorka ka taagan.Cadaalad daro iyo Eexasho ama Laaluush iyo Lacag qaadasho Ayaa lagu kala Jarey Hanti iyo Xoolo dad kale leeyihiin.Miskiin Ayaa misko la fuulo leh Ayey noqotey  Xaajadu,Gacan Macaan iyo Dhaqaale Ayaa la isku dhaafey.Ninka Awooda leh iyo Midka magaca iyo Lacagta leh Ayaa loo Shaqeynayaa loona Dhameynayaa Codsigiisa iyo Wixii uu ku doodaayo,Waxa la duudsiiyey banaankana lagaga tagay Dadkii Danyarta ahaa,Dadkii aan dhaqaalaha buuran heysanin,Dadkii aan Awooda laheyn.

Maxaa Dhul iyo Beero la isku Heystaa,Maxaa Guryo iyo Hantiyo kale la isku mari laayahay ama Maxkamadu war cad ka soo saari laadahay,Maxaa Kiisas 10kii sanno ama 5 sanno ee ugu danbeeyey Maxkamada ka socda ama dhinacna loo Ridi laahayey,Maxaa is daba socod iyo wakhti dheer lagu Jirayaa,Maxaa laga duceysanayaa in aan ilaahey  Maxkamadaha wax kaaga xidhin ama aanad tegin.Maanta ummada somaliland uma sheegaayo halka uu maraayo Garsoorka somaliland,Waxa maxkamadaha ka taagan iyo Dhibaatada ka Jirta oo la wada garanaayo kama Hadlaayo,Kama hadlaayo in shirar iyo Kulamo la isugu Yimaado lagu Gorfeynaayo Arimaha maxkamadaha,Qareenada,Sharciga, iyo Guud ahaan garsoorka wadanka,Kama hadlaayo in Garsoorayaasha la isku badalo,Kama hadlaayo in dadka qaarkood ninkey donaan ay iska Xidhaan Maxkamadna aan la horgeynin,Kama hadlaayo in la duudsiiyey muwaadinka in 48saacadood gudahood maxkamad lagu horgeeyo laguna soo Cadeeyo dembiga loo Heysto.Kama hadlaayo in dad badan oo bulshada ka mid ahi ay rumeysan yihiin in Madaxyo weynta Maxkamadaha heysta ay yihiin kuwo ku shaqeeya Dan iyo Dhaqaale,Kama hadlaayo in dawladu ay gacan kula Jirto aaney Maxkamaduhu ka madax banaaneyn.Kama hadlaayo in la soo sameysto liisas iyo eedo been ah oo aan waxba ka Jirin si qofka loogu Qaado.Kama hadlaayo in dad badan Xuquuqdii hadalka ee ay Xaq u lahaayeen ama Aragtidii shakhsi ee ay Qabeen ay u xidhan yihiin loona heysto ama lagu xidho.Kama hadlaayo Ciqaabta iyo Cadaabaha u danbeeya dadka Xukumaaya Wax aan Xaq aheyn.Kama hadlaayo in aad lacag qaadato si aad ugu doodo ama ugu dhaqdhaqaaqdo eedeysanaha ama qofka la soo eedeeyey.Kama Hadlaayo Dadka subax kasta ku sii socda Maxkamada hadana ka soo Noqda iyaga oo Niyad jabsan.Mana qarinaayo inta yar ee xaqooda loogu soo dhiciyo Maxkamada,Mana diidani in isbedel dhinaca garsoorka ah la wado oo la fahansan yahay Dhibaatada garsoor ee wadanka ka Jirta.

Marka Dastuurka lagu Sheego Mid diinta islaamka waafaqsan,Hadana lagu Dhaqmi waayo,Marka Dastuurka la iskugu soo gabado,hadana la isku dhaco.Marka Madaxdii iyo Dadkii xilka hayey inta ay Dastuurka isla laabeen danahoodana ku qabsadeen aragtidooda iyo sida ay wax u rabaan,Dadkana ku Yidhaahdaan  Dastuurka  ha la dhowro.Marka Xitaa dastuurkii la Yidhi wadankaa loo sameyey la isku xukumi waayo,Maxaad Filaneysaa ama sugeysaa.

Caasimada Hargeisa waxa ka Furan Xafiisyo badan oo arimaha Sharciga khuseeya ama ku hawlgala,Waxa soo badanaya Tirada Nootayooyinka Sharciga ah.Kuwaasi oo Ruqsad ka heysta dawlada isla markaasina aad Moodo in ay leeyihiin urur mideeya ama isku tag ay ku bahoobaan.Suuqyada iyo Gabi ahaan Xaafadahaba waxa ka furan xafiisyadasi,Maxey Qabtaan Nootaayooyinku,Kaalinta iyo Doorka ay ka qaateen Heshiisyada iyo Fulinta Xeerarka nidaamiya kala iibsiga,la kala wareegida iyo Cadeynta Markhaatiyaasha intaba waad ila Aragteen.Guri,Dhul,Beer,Gaadhi,Dacwadaha Markhaatiga wata Qaarkood Ayaad ku Maqashaa in ay ka Shaqeeyaan.

Ujeedada Qoraalkeenan aynu toos u abaarno hadaba,Ku dhaqanka Shareecada Islaamka,Fulinta Dastuurka ilaahey iyo Sunnaha Rasuulkeena NNKH,Halkee Ayaa laga taagan yahay.in la rumeeyo,La aaminsanaado,lana Ogolaado sharcigaasi in la isku xukumo ama lagugu qaado Halkee Ayey dadkeenu ka taagan yihiin.Ma waxa la doonayaa maxkamadaha Mise waxa la rabaa Xafiisyada shareecada Islaamka ee Magaalada ka furan.Mise kolba midka ay ugu badineyso xaqoodana ay ku helayaan ayey doontaan.Diinta waxa xaga Sharciga lagaga Dhaqmaa,Meherka,Furiinka,Dhaxalka iyo Xaq siinta qof dhaawac soo gaadhey,waana sida laga aaminsan yahay in loo tago xafiisyada shareecada islaamka.

Taxanahan oo aan ugu kuurgeli doono Tirada xafiisyada Sharciyada islaamka ee Magaalada ka furan iyo Guud ahaan waxa shaqadoodu tahay iyo Kaalinta ay Bulshada ku Yeesheen Ayaan dib wax uga soo qori doonaa,Dhinaca kalena waxa aan tilmaami doona sida Haayado caalami ahi ay saameyn ugu yeesheen arimaha garsoorka iyo xeerarka maxkamadaha taasi oo sababtey xitaa in aan la dili Karin qof qof diley ama aan laguba dhaqmi Karin Dastuurka iyo Sharciga islaamka midkoodna oo lagu socdo aragti ah hadba sida danta iyo duruufto noqoto ama hadba cida cududa iyo dhaqaalaha leh.Waana arinta keentay in Xitaa dad dil ku xukunaa ay Reerahoodii diidan yihiin in lagu fuliyo sharcigii islaamka,Maxaa yeelay waxa ay og yihiin kuwo hore oo aan lagu fulin laguna daayey Awood qabiil ama beel.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com