Xafiiska Shaqo-doon Door Intee Le’eg Ayuu Ka Qaataa Shaqaalaysiinta Dhallinyaradda?

Hargeysa (SLP)-  Shaqo la’aanta ayaa la sheegaa in ay Somaliland heer aad u sareeya ka marayso, iyadoo ay jirto shaqo la’aan baahsan oo saamaysay guud ahaanba bulshadda ku kala nool magaalooyinka dalka, gaar ahaana dhallinyaradda Jaamacadaha ka soo qallin jabisay.???????????????????????????????
Waxaana dhacda in dhallinyaradaasi Jaamacadaha ka soo baxay oo boqolaal gaadhay in ay sanad walba u Tahriibaan wadamada Yurub, iyadoo qaarna inta ay safarka ku sii jiraan Saxaraha ama Badaha ku dhintaan.
Waxaanay dhallinyaraddu inta badan cabasho ka muujiyaan in aanay dawladda shaqo abuur u samaynin, ama aan loo sinayn fursadaha shaqo ee dhinaca hay’adaha dawladda, isla markaana lagu shaqaalaysiiyo qaraabo-kiil, taasina ay ku keentay inay Tahriibaan.
Si wax looga qabto shaqo la’aanta haysata dhallinyaradda, loogana hortago ama loo joojiyo Tahriibka, ayaa Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Somaliland waxay samaysay badhtamihii sanadkii 2013, xafiis u qaabilsan shaqo-abuurka, kaasi oo dadka shaqooyinka doonaya ka caawiya una fududeeya sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen.
Cumar Siciid Jaamac, waa madaxa xafiiska shaqo-doon ee Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda, warbixin uu maanta ku siiyay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa qaar ka mid ah warbaahinta, waxa uu kaga waramay adeegyadda uu xafiiskoodu u qabto dadka shaqo-doonka ah iyo doorka uu ka qaato shaqo-abuurka dalka iyo sidoo kale waxyaabaha ay ku xushaan dadka shaqooyinka u baahan marka ay u yimaadaan.
Isagoo ka waramayay ujeedadda xafiiskaasi loo aasaasay iyo hawlaha uu qabto, waxa uu yidhi “U jeedadda xafiiskani loo sameeyay waxay tahay in uu ka qaybqaato shaqo-abuurka dhallinyaradda, iyo la dagaalanka Tahriibka. hawsha ugu weyn ee uu qabtaa waa inuu diyaariyo dhamaanba waxyaabaha ay u baahan yihiin cid kasta oo shaqo-doon ah, haddii ay noqoto kuwa xirfadleyaasha ah, kuwa aqoonta leh, Xafiiskani waxa uu adeegiisu yahay shaqo ma abuurno, balse shaqo ayaanu dadka shaqo doonka ah u raadinaa, oo aanu gaynaa. Xafiiskani waxa uu u taagan yahay in uu dhiso, habeeyo, diyaariyo, cid walba oo shaqo doon ah, taasi oo aan lahayn nooc cayiman”.
Xafiiska shaqo doon ee Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda hawsha ugu muhiimsan ee u qabto wakhtiga la joogo waxay tahay isku xidhka dadka shaqo-doonka ah iyo meelaha shaqadda looga baahan yahay, hase yeshee ay u qorshaysan tahay mustaqbalka inuu sameeyo shaqo-abuur,iyagoo la kaashanaya hay’adaha caalamiga ah iyo sanduuqa dhaqaalaha Somaliland, sida uu mar kale sharaxayo Cumar Siciid Jaamac. “Waxaanu doonaynaa mustaqbalka in aanu samayno shaqo abuur, anagoo la kaashanayna hay’adaha caalamiga ah iyo sanduuqa dhaqaalaha ee Somaliland, qorshaha ayay noogu jirtaa, laakiin imika inta uu xafiiskani jiray waxaanu samaynaa isku xidh, anagoo isku xidhna qofka shaqo-doonka ah iy loo shaqeeyaha, maadaama oo aanaan haynin miisaaniayd aanu shaqo ku abuurno.”???????????????????????????????
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Marka qofka shaqo doonka ahi noo yimaado waxaanu ka qaadnaa macluumaadkiisa, waxaananu u raadinaa qof shaqo haya, oo doonaya shaqaale, waanu isku xidhnaa, anagoo ku xulanayna qofka lanaga soo codsaday iyo qofka aanu hayno, aqoontiisa anagoo qof walba geyna halka uu shaqadeeda yaqaano. Tusaale ahaan qofkii accounting yaqaana, meel accounting laga doonayo ayuun baanu geynaa, qofkii dhakhtar ahna, meel dhakhtar looga baahan yahay ayuun baanu, gaynaa, kii waashamaan qaban karana, waxaanu gaynaa halka looga baahan yahay, qofkii xirfadle ah sida ka biyo–gelinta yaqaana, ama Qasabadaha yaqaana, ama ku Nijaarista yaqaana, mid walba waxaanu la raadinaa shaqadda uu isagu garanayo. qofka xoogsadaha ah, meesha uu ka xoogsan karayo ayaanu gaynaa”.

Waxa kale oo uu faahfahin ka bixiyay siyaabaha ay dadka shaqo-doonka ah shaqadda ugu raadiyaan. “Siyaabaha aanu qofka shaqo kula raadinaa, kuma xidhna xirfad, kuma xidhna aqoon. waxaanu u eegnaa qofkani ma yahay shaqo doon, qof kasta oo shaqo doon ah, haddii uu aqoon leeyahay iyo haddii aanu aqoon lahaynba, kii xirfad leh, kii aan xirfad lahayn dhamaantoodba waxaanu la doonaa sidii uu shaqo ku heli lahaa, anagoo la raadina shaqadda ku haboon ee uu qaban karro” ayuu yidhi madaxa xafiiska shaqo-doon.
Cumar Siciid Jaamac, waxa uu sheegay in shuruudda ugu horaysa ee ay dadka shaqo-doonka ah ku xidhaan ay tahay qofku in uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland, haddii aanu u dhalan Somaliland-na aanay shaqadda qorin. “Cid aan Somaliland u dhalan shaqo uma radino. mana qabano codsigiisa, xaruntani waxay u adeegtaa, oo ay u furan tahay dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay Somaliland. Shuruuda keliya ee aanu ku xidhnaa qofka ama aqoon ha lahaado, ama yaanu lahaane, ma yahay Somalilander, haddii uu muwaadin yahay waxa waajib naga saaran yahay sidii aanu qofkaasi shaqo ugu dooni lahayn”ayuu yidhi madaxa xafiiska shaqo-doon ee wasaaradda shaqadda.
Waxa uu tilmaamay in aanay ku xidhin qofka ay shaqo u raadinayaan aqoontiisa, xirfadiisa, balse ay ku qiimeeyaan sida uu qofku diyaar ugu yahay, ama ay uga go’an tahay inuu shaqo helo, isla markaana kuwa aqoonta, ama xirfadda leh iyo kuwa aan midnaba lahayn mid walba shaqadda ku haboon ee uu qaban karo.
Waxaanu yidhi “Qofkii aqoon leh iyo kii aan wax aqoon ah lahayn, qof kasta oo noo yimaada shaqo ayaanu u raadinaa, xataa nadiifiyeyaal ayaa noo yimaadda, waxaanu geynaa meesha ku haboon, ama xafiis ha noqoto, ama hudheel ha noqoto, Makaaniyiin ayaa jira, Derawalo ayaanu shaqo gaynay, Mudalabiinta hudheeladda, Dhakhaatiir ayaa jira, Injineero ayaa jira. nooc kasta oo shaqo ah, marka loo helo ayaanu qofka gaynaa”.
Maamulaha xafiiska shaqo doon oo aanu waydiinay qaabka ay ula xidhiidhaan meheradaha, xafiisyadda, hay’adaha, Wasaaradaha iyo meelaha kaleba marka ay dadka shaqo-doonka ah shaqadda u raadinayaan waxa uu ku jawaabay “Hay’adaha qaarna way nala soo xidhiidhaan, qaarna anaga ayaa samayna tiro-koob, oo shaqaalaha xafiiskayaga ayaa taga meelaha loo tuhmo karo inay shaqooyin banaan hayaan, ka dib marka ay u tagaan waxay waydiiyaan habka ay u shaqeeyaan, meesha aanu u aragno inay wax ka banaan yihiin ayaanu u soo bandhignaa, waxaanu u tagnaa shirkadaha waaweyn, waxanu u tagnaa shirkadaha yaryar, waxaanu u tagnaa dukaamadda, cidba dhaafna”.
Cumar Siciid, waxa kale oo uu sheegay in tiradda ugu badan ee dadka ay shaqooyinka geeyaan ay yihiin dhallinyaradda Jaamacadaha ka soo qalinjabiyay. “Tiradda ugu badan ee dadka aanu shaqooyinka gaynaa, waa dadka aqoonta leh, waayo markiiba way kaa iibsamayaan oo aqoon ayay leeyihiin dadka Jaamacadaha ka soo baxay ayaa markiiba naga iibsamaya”.
Waxaanu intaasi ku daray in ay u qorshaysan tahay dhamaanba goboladda dalka inay xafiisyo ka furtaan, si ay u fududeeyaan isku xidhka qofka shaqo doonka ah iyo loo shaqeeyaha. waxaanu yidhi “Waxaanu doonaynaa haddii Alle yidhaahdo, anaga iyo madaxdayaduba qorshaha aanu gaadhnay wuxuu yahay in aanu balaadhino xafiisyadda, gobolada dalka oo dhan aanu ka furno xafiisyo u fududeeyo dadka shaqo doonka sidii ay isugu xidhi lahaayeen loo shaqeeyaha iyo qofka shaqo doonka ah”.
Dhinca kale adeegyadda uu xafiiskani bixiyo fududeynta in shaqo loo hello dadka shaqo doonka ah, iyagoo leh shebekad ama bog internet-ka ah, oo dhamaanba hay’adaha, shirkadaha, Wasaaradaha iyo meelaha kale ee shaqaale u baahan ay ku soo xayaysiiyaan shaqooyinka ka banaan.
Waxa kale oo uu xusay Cumar Siciid in ka hor inta aanay shaqooyinka gaynin dadka shaqo doonka ah inay tababaro aoqontooda iyo xirfadooda kor loogu qaadayo siiyaan, isla markaana maalin kasta ay xafiiskooda yimaadaan dhallinyarro faro badan, kuwaasi oo ay ka caawiyaan, waxyaabaha ay u baahan yihiin sida adeegsiga internet-ka u samaynta CV-yada, waraaqaha loo daabaco iyo in ay talooyin siiyaan.

Somilandpost.net