Xaddiga ay dhan tahay Odoroska Miisaaniyadda 2021 oo la horgeeyey Golaha Wasiirrada Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta la horgeeyey Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2021-ka oo dooddiisa iyo falan-qeynteeda ay isla maantaba galeen Goluhu kaddib markii warbixin laga dhegaystay masuuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Somaliland.

Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2021 ayaa miisaaniyad sannadeedkii 2020 ka badan boqolkiiba 2.7% iyadoo xaddiga miisaaniyad-sannadeedkii hore ahaa lacag gaadhaysa 2,751,304,808,098 (2 Bilyaar, 751 Bilyan, 304 Milyan, 808 Kun, 098) Shilin Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxweynaha oo lagu shaaciyey qodobbada ka soo baxay shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo qaab online ah u qabsoomay, ayaa lagu sheegay in warbixin ku aaddan xaaladda guud ee ammaanka dalka iyo heerka Xannuunka safmarka ah ee Covid-19 lagaga dhegaystay masuuliyiinta wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Caafimaadka.

War-saxaafadeedka ayaa u qornaa sidan:- “Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xanuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira, kaasoo saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, waxaanu madaxda iyo shacbiga ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xanuunka koroona fayras, una hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo.

Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso, wuxuuna xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.

Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo uu u saxeexnaa Maxamuud Warsame Jaamac, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net