“Xaasha.. Dhalinyarada Jaamacaddu Xabbad Ma Geyaan Dawladdu ha bixiso Kharashka Jaamacadda..” Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga

Hargeysa(SLPOST) :- Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Somaliland, Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay Mudaharaadkii ardayda Jaamacadda Hargeysa, kuwaasi oo boolisku xidheen, ka dib rasaas lagu kala dareeriyey.

muj-hassan

Mujaahid Xasan Guure, waxa uu sheegay inay xaaraan tahay in dhalinyaro jaamacad dhiganayey jeelasha lagu guro “Ardaydu waxay ka cabanayeen dhowr jeer oo lagu kordhiyey lacagta Jaamacadda, waa run oo jaamacaddu lacag-bay u baahan tahay, laakiin xilkaasi waxa uu saaran yahay ninka dadku cashuurta siiyo, cashuurta waxa loo bixinayaan in carruurtu wax ku barato oo shaqooyin lagu siiyo. Maaha wax xildhibaanno lagu laaluusho oo loo qayb-qaybiyo…” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray  “Xaasha.. dhalinyaradaha Jaamacaddu Xabbad ma geyaan, dawladdu ha bixiso kharashka Jaamacadaha, intaas oo dhalinyaro ah oo wax baranaysay inay jeelasha lagu guro xaaraan weeye”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Office