Xaaji Cabdi-Waraabe: Xallintii Khilaafaadka Golaha Wakiillada Ee 2005 iyo 2014! (2aad)‏

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

Si loo gunaanado is-marin-waaga aloosmay, waan waan iyo isu-dhawayna loo sameeyo, waxa xaajadii loo saaray guddi ka socota Golaha Guurtida oo uu Xaaji Cabdi guddoomiye u yahay, kuwaas oo Madaxweyne Daahir Rayaale, Madaxweyne-ku-xigeen Axmed Yuusuf Yaasiin, Xukuumadda iyo Xisbiga UDUB ku qanciyay in aan waxba laga beddelin go’aanka lagu doortay shir-guddoonka cusub ee wakiillada.

Habkii ay guurtidu u xallisay maandhaafka ka aloosmay doorashada shirguddoonkii cusbaa ee Golaha Wakiillada ee la doortay Nofember, 29, 2005ta waxa iiga warramay Axmed Yuusuf Yaasiin oo markaa ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Guddoomiye ku-xigeenka Xisbigii UDUB. Isaga oo sharxaya dhacdadii ugu adkayd ee ay Xaaji Cabdi ka wada shaqeeyeen waxa uu yidhi

dhacdadii ugu adkayd ee aanu isku qaabilnay waxa ay ahayd tii Golaha Wakiillada. Arrinkaas, waa tii labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) isku soo caleemo-saareen meesha la yidhaahdo Ambassador, oo dabcan ay sharci-darro ahayd in ay isku soo sharraxaan meel hudheel ah. Markii uu arrinkii aad u sii murgay waxa loo dhiibay guurtida. Annagu (UDUB) waxaanu filaynay in aanu nahay xisbiga ugu aqlabiyadda badan golaha Wakiillada. Subaxii ay Guurtidu go’aanka noo keenayeen waxaanu fadhinay oo aanu ku shiraynay gurigayga, aniga iyo 33-kii Xildhibaan ee UDUB, waxaanu nidhi hadday nimankaasi (guurtidu) meel inagaga dhacaan oo inagu gefaan, waa haddii ay inaga qaadaan guddoomiyaha (chairman). Waxaanu qorshaynay in Xildhibaan C/Qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo UDUB ka tirsani uu noqdo xubinta noo gelaysa Shir Guddoonka Golaha Wakiillada.

Iyada oo aanu go’aankaas gaadhnay, ayaa waxa ila soo hadlay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, oo ay la joogaan Xildhibaanno ka tirsan Guurtida oo uu hoggaaminayo Xaaji Cabdi-Waraabe, oo Madaxweynaha ku qanciyay in ay aqbalaan go’aanka ay mucaaridku ugu codeeyeen shir guddoonka Wakiillada. Markii aan u imi ayuu Madaxweynuhu guurtidii ku yidhi “Waa kan Axmedna inoo yimi, ee go’aankiinna u sheega”. Xaaji Cabdi oo af-hayeenka guddiga ayaa ayaa yidhi “ Waxaanu go’aaminnay in aan laga daba tegin saddexdaas nin ee la doortay, UDUBna ay sidaas nagu aqbalaan”. Waan diiday hadalkii, waxaan u sheegay in go’aankani yahay mid aan la aqbali karin. Laakiin waanwaan ka dib ayaan aqbalay, oo aan idhi “Haddaad Xaaji Cabdoow sidaas go’aamiseen, waxaan leehayay Ilaahay idinka idinku sallid raggaa aad daaya tidhaahdeen”. Dabcanna waa tii Golihii Wakiillada lagu salliday Golihii Guurtida, ee ay Wakiilladu sharci-darro ku tilmaameen go’aankii ay Golaha Guurtidu muddada afarta sanno ah isugu kordhiyeen sannadkii 2006-da”

Xaaji Cabdi oo ka warramaya qaabkii UDUB ay ugu qanciyeen inay ka hadhaan saddexda xildhibaan ee ay aqlabiyadda golaha wakiillada u cumaadeen hagista golahu waxa uu yidhi ““Saddexdaa nin ee la magacaabay iyada oo aan xukuumadda la soo gaadhsiin, daaya (joojiya) bay yidhaahdeen oo u qaybiya saddexda Xisbi, annana waa diidnay, oo la ridi maayo baanu nidhi oo waa saddex nin oo qiimo leh ee daaya, madaxweynihina waa na yeelay markaa talada hayay iyo xukuumaddina waa na aqbaleen”.

Halkaa ayaa lagu gunaanaday khilaafkii ka dhashay doorashadii Shir guddoonka Wakiillada. Waxa ay ka mid ahaydeen dhacdooyinka waaweyn ee ay guurtidu xalliyeen in muddo ah marka laga reebo isu soo dhaweyntii ay sannadkan ka sameeyeen dooddii qaran. Maantase waxa weli oogan khilaaf u dhexeeya Golaha Wakiillada ……….

 

La soco haddii Alle idmo.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com