Xaaji Cabdi Waraabe Oo Xukuumada Ku Taageeray Wareejinta Haamaha Shidaalka

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdiwaraabe), ayaa taageero u muujiyay in haamaha shidaalka ay xukuumadu ku wareejiso ganacsatada Somaliland.

A-XAAJI-CABDI-WARAABE-NEW_1_bccf9

Waxa uu Xaaji Cabdi Waraabe sheegay in muranku aanu fiicnayan loona baahnayan  inuu intaas dalku ku burburo,     waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu    yidhi“Haamaha hadalkoodu waxa weeye inta koonfuri ku baa’baday, waxii la soo qaadab inay isku duubto oo hadal ay galiso, xukuumaddu hadii ay haamaha bixisay meelwanaagsan ayay ku bixisay, oo maxay ah? Rag Somaliland ah ayaa la siiyay, waa waxii koonfuri ku baabadaye yaynaan ku baabi’in muran yar, waa ceeb halkaas hala toosiyo ayaa la yidhaahdaa.”