Xaaji Cabdi-waraabe Oo Baadhitaan Caafimaad Loogu Qaaday Dalka Imaaraadka

????????????????????????????????????

Hargeysa(SLpost)-Subaxnimadii hore ee Saaka waxa Madaarka Egal International Airport ka dhoofay Oday Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe) oo baadhitaan caafimaad u tagaayay dalka imaaraadka, waxaana safarkan ku wahelinaayay Ambassador Baashe Cawil.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Safarkan ayey ujeedadiisu ahayd Xaalad caafimaad oo Xaaji Cabdikariim loogu qaaday dalka Imaaraadka Carabta ka dib markii Madaxweynuhu warqad caafimaad uga dalbay Imaaraadka Carabta iyaguna ay ka aqbaleen in Xaajiga loo qaado Imaaraadka si uu xaajigu wax uga ogaado xaaladiisa caafimaad oo hada maraysa halkii ugu wanaagsanayd ayaa la filaayo inuu halkaasi u tago shaybaadh guud iyo in uu la socdo caafimaadkiisa wakhtigan.

Waxa halkaa ka hadlay Xaaji Cabdikariim, oo ugu horayn u mahadnaqay Madaxweynaha, Safiirka iyo Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxa isna faahfaahin ka bixiyey Safarka Xaajiga Wasiirudawlaha Madaxtooyada Maxamed Muuse Abees iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka oo isna ka hadlay doorka madaxweynuhu ku leeyahay in xaajiga loo qaado imaaraadka iyo in xaalada xaajigu tahay taam wakhtigan Allena uu uga rajaynayaa inuu u siyaadiyo Caafimaadka.